Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Moderat-ka oo kor u kacay iyo Sooshalka oo hoos u dhacay

La daabacay fredag 5 februari 2016 kl 12.41
M och S
M iyo S. Sawirka : P4 Dalarna.

 

Taageerayaasha xisbiga Sooshalka ayaa hoos u dhac ku yimid kaas oo hadda gaaraya boqolkiiba 23 waana heerkii ugu hooseeyey oo xisbigaasi gaarey tan intii la bilaabey qiyaas lagu sameeyey taageerayaasha xisbi ee dalkaan,sidaasna waxaa lagu muujiyey ra’yi ururin ay dadweynaha ka qaadeen wargeyska Expressen iyo Demoskop.

Xisbiga Modaraadka ayaa isaga taageerayaashiishu kor u keceen boqolkiiba 3,4  kaas oo hadda maraya 27,2 boqolkiiba ,wuxuuna xisbiga Sooshalka ka badan yahay 4,2 boqolkiiba.

Raysal wasaaraha dalkaan Stefan Löfven ayaa hadda hormood ka ah dawlad ay taageerayaashiisa dadweyne ay dhan yihiin 28,5 boqolkiiba.

Tiradaas ayaa ah tiradii ugu yareyd ee taageerta xisbiyada garabka bidix ee dalkaan meesha taageerayaasha xisbiyada garabka middig ay gaareen heerkii ugu sareeyey saddexdii sano ee la soo dhaafey.

Demoskop ayaa sheegtey in hoos u dhac ku yimid taageerada uu raggu u hayo xisbiga Sooshalka meesha xisbiyada oo dhan ay  dhibi ka heysato sidii ay u soo jiidan lahaayeen dhallinyarada.

Xogta : Expressen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".