Sawirkii: TT
Säpo. Sawirkii : TT sawir: Foto: TT

Qarax argagixisnimo oo la tuhmey in uu maalmo gudeheed dalkaan Iswiidhan ka dhici karey

Ciidamada sirdoonka dalkaan Iswiidhan ee Säpo ayaa muddo afar maalmood ah heystey si ay u joojiyaan sanadkii hore qarax la tuhunsanaa in uu dalkaan Iswiidhan ka dhici karo,sidaasna waxaa lagu sheegey baaritaan ay sameysey waaxda wararka idaacadda Iswiidhan, baaritaankaan ayaa  muujiyey in 17-kii iyo 18-kii november sanadkii hore la tuhunsanaa in qaraxaasi dalkaan ka dhici karo.

Ciidamada sirdoonka ayaa feejignaanta amni ee dalkaan Iswiidhan gaarsiiyey heerkii ugu sareeyey ,baaritaan xoog lehna ku hayey nin 22 jir ah oo in uu falkaas geysto lagu tuhunsanaa kaas oo markii danbe laga qabtey Boliden bale isla markiiba la siidaayey ninkaas baaritaankii arrinkaask ku saabsanaana la laaley.

Hawshaas ay ciidamada sirdoonku ku keceen ayaa xilligaas aad loo dhaliiley saas oo tahayna ilaa iyo hadda lama oga sababtii arrinkaas sababta u ahaa.

Xogta/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista