Foto: Gustav Asplund

Arrimaha qaxootiga oo ahamiyadda koowaad dadka Iswiidhishkaa u leh

"Codbaxiyaasha aad bay u daneynayaan"
1:47 min

Arrimaha qaxootiga iyo isdhexgalka ayaa ah tan ugu muhiimsan ee ay daneynayaan dadka wax doorta ee dalkaan Iswiidhan ,sida lagu caddeeyey baaritaan ay sameysey Ipsos oo uu qorey wargeyska Dagens Nyheter.

Boqolkiiba 40 dadka Iswiidhishka ah ee wax doorta oo su’aalahaas la weydiiyey ayaa sheegey in arrimahaas qaxootiga iyo isdhexgalku ay muhimadda koowaad u leeyihiin,tiradaas ayaana laba jiraantey marka la barbardhigo baaritaan kan la mid ah oo la qaady bishii juun ee sanadkii 2015-kii.Sanadkii 2010-kii ayaa boqolkiiba shan kaliya dadka Iswiidhishka ahi  waxay markaas sheegeen in arrimaha qaxootigu ay tahay waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay xisbiyada ay dooranayaan ugu codeynayaan.

Ipos ayaa u dhabagashey xisbiyada ay dadkaasi aaminsan yihiin in ay leeyihiin siyaasadaha ugu haboon ee arrimaha qaxootiga ku wajahan, xisbiga Sverigedemokrat-ka ayaa weydiimahaas ku heley taageero dhan boqolkiiba 21, Socialdemokrat-kuna waxay heleen boqolkiiba 17 meesha xisbiga Modaraad-ku ka heley boqolkiiba 13 .

Marka laga soo tago arrimaha qaxootiga dadka Iswiidhishka ah ee su’aalahaan laga qaadey ayaa boqolkiiba 18 ka mid ahi iskuulka iyo waxbarashadu ahmiyadda koowaad u leeyihiin ,boqolkiiba 13 oo dadkaas ka mid ahina shaqada iyo shaqaaleynta ayaa ahamiyadda u leh.

Xiisaha ay dadku u qabaan arriamaha waxbarashada iyo shaqada ayaa boqolkiiba 10 hoos u dhacdey marka la barbar dhigo baaritaan midkaan la mid ah oo la sameeyey bishii juun ee sanadkii 2015-kii.

Dadka aaminsan in xisbiga Socialdemokrat-ku uu leeyahay siyaasadda ugu wanaagsan marka ay noqoto arrimaha shaqada la xiriira ayaa hoos uga soo  dhacay boqolkiiba 28 taas oo hadda boqolkiiba 23 ay qabaan in xisbigaasi leeyahay siyaasadda ugu wanaagsan marka ay noqoto arrimaha shaqada.

Johanna Laurin Gulled, oo isagu ka hawlgala Ipsos ayaa wargeyska DN u sheegey in ay adag tahay in xisbiyadu ay doorashada ku guuleystaan haddii aysan laheyn siyaasad shaqo abuur ah oo lagu kalsoonaan karo.

Xogta /DN

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".