Wasiirka arrimaha bulshada Ardalan Shekarabi. Sawirka : Per Thyrén/Sveriges Radio.
Wasiirka arrimaha bulshada Ardalan Shekarabi. Sawirka : Per Thyrén/Sveriges Radio.

Hay’adaha dawladda oo khasab looga dhigey in ay soo-galootiga cusub siiyaan goobo ay shaqo ahaan ugu tababartaan

Soogalootiga cusub iyo shaqooyin ay ku tababartaan
1:10 min

Dadka dhawaanahaan soo galey dalkaan Iswiidhan isla markaasna sharciyada heley ayaa goobo ay shaqo ahaan ugu tababartaan ka heli doona hey’adaha dalkaan ee uu qaranku iska leeyahay, arrintaan ayaa waxay ka mid tahay arrimo soogalootiga la xiriira oo la isku raacay.

Dawladda Iswiidhan ayaa go’aamisey in hay’adaha dawladdu ay qaataan sanad walba ilaa iyo 1000 qof oo ka tirsan dadka soogalootiga cusub ah si ay shaqo ahaan goobahaas ugu tababartaan.

Ardalan Shekarabi waa wasiirka arrimaha bulshada:

-Hay’adaha dawladda waxaan ku amarney in ay dadka soogalootiga ah oo cusub ay ku casumaan goobo ay shaqo ahaan ugu tababartaan.Waxaan aragney talaabooyin fiican oo ay shirkadaha gaarka loo leeyahay qaadeen taas oo la xiriirta in ay dadkaas soo galootiga ah u sahleen in shirkadahooda tababar ahaan loogu meeleeyo.Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in dawladu iyaduna dhankeeda gudato waajibka arrinkaas ka saaran.

350 hay’adood oo ay dawladdu leedahay ayaa hawlgalkaan ka qeyb gali doona  marka laga reebo ilaa iyo toban hay’adood oo iyaga amni ahaan arrinkaas looga reebey sida ciidamada sirdoonka dalkaan Iswiidhan iwm.

Xogta : Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".