Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Maxkamadda sare ee Göta . Sawirka : Johan Nilsson/TT
Maxkamadda sare ee Göta. Sawirka : Johan Nilsson/TT

Xabsi daa’im markii labaad lagu xukumey ninkii diley Lisa Holm

Maxkamadda sare ee Göteborg ayaa dib u xaqiijisey xukunkii dilka la xiriirey ee horey loogu xukumey Nerijus Bilevicius oo isagu diley gabar 17 jir aheyd oo lagu magacaabi jirey Lisa Holm.Ninkaas ayaa lagu xukumey xabsi daa’im ama madaxaa ha ku furto.

Maxkamadda sare ayaa ku raacdey go’aankii hore ee ay maxkamadda heerka koowaad ee degmada Skaraborg ku ridey kuna caddeysey in Nerijus Bilevicius uu ahaa  kii geystey dilkii loo geystey Lisa Holm.

Ninkaan wax diley ayaan si toos ah looga helin jirka gabadhaas la diley waxa loo yaqaano DNA-da ninkaas laakiin taas badalkeeda ayaa ninkaan DNA-diisa waxaa laga heley ilaa iyo toban goobood oo ka mid ah dharkii gabadhaasi  ay xirneyd markii la diley.

Xogta : Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".