Sawirka : Erik Thyselius/Sveriges Radio
Sawirka : Erik Thyselius/Sveriges Radio

Warbixin cusub oo la xiriirta faquuqa dhanka guryaha ah ee lagu hayo soogalootiga dalkaan

Waxaa iska cad in ay jirto khatarta ah in ay sii kordheyso faquuqa dhanka guryaha ah ee lagu hayo dadka dhawaanahaan soo galey dalkaan Iswiidhan haddii aysan si deg deg ah shaqooyin u helin, sidaas waxaa lagu sheegey warbixin ay soo saareen  khubaro dhaqaalayahano ah oo ka hawlgasha ESO .

Arrintaan ayaa lala xiriirshey meesha qofku ka yimid iyo xiriirka ka dhexeeya meesha qofkaasi ku nool yahay iyo goobta uu shaqooyinka ka heli karo.

Warbixinta khubaradaan ayaa salka ku haysa baaritaan lagu sameeyey tobanka degmo ee dalkaan ugu waaweyn taas oo loo kuurgaley mudadii  u dhexeysey sanooyinkii 2000 ilaa iyo 2012-kii

Faquuqaan dhanka guryaha la xiriiraa si uusan u sii kordhin  maadaama ay hadda aad kor ugu soo keceen dadka soogalootiga ah ee dalkaan soo galay, waa in si xoog ah kor loogu qaadaa guryaha cusub ee dalkaan laga dhisayo.

Sidoo kalana  waa in la dardargaliyaa jawaabaha la siinayo dadka magangalyo doonka ah si ay si deg deg ah shaqooyin ugu helaan, ayey khubaradaani ku talisey.

Xogta : Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista