Michael Wolf .
Mareeyaha iska casiley Swedbank Michael Wolf. sawir: Magnus Hjalmarson Neideman/SvD/T

Maareeyihii bangiga Swedbank oo iscasiley

Maareeyihii guud ee bangiga Swedbank Michael Wolf ayaa iscasiley sababtoo ah isagoo faraha la galey ka gacacsi guryo isagoo islamarkaanas haya maamulka ugu sareeya oo bangigaas.

Hal sano gudihiis ayaa dad ninkaan ku dhawi sida ay ku warantey wargeyska Dagens Industri waxay  iibsadeen todoba guri oo qiimahoodu wadar ahaan kor u dhaafayo ilaa iyo 75 malyan oo karoon,islamarkaasna waxay iyagoo bangigaas ka hawlgala tartan gurya iibsi ah la galeen macaamiisha bangiga Swedbank.

Michael Wolf ayaa la siin doonaa lacag dhan 20 malyan oo karoon maadaama uu shaqadaas ka tagey, waxaana lagu hawlan yahay sidii loo heli lahaa ciddii jagada ninkaasi baneeyey buuxin laheyd sida ay sheegeen maamulka bangigaas Swedbank.

Michael Wolf oo  laga joojiyey shaqada maareeyanimada bangiga Swedbank ayaa isagoo arrintaas ka hadlaya wuxuu sheegey:

-Go’aanka ay gaareen hogaanka sare ee bangigu fajiciso ayey igu noqotey laakiin sidaas oo ay tahayna qadarin weyn ayaan u hayaa hogaankaas maadaama ay maareeye cayrin karaan ciddii badali laheydna ay magacaabayaan.waxaan bangiga u rajeynayaa in uu najaxo ayuu yiri Michael Wolf.

Xogta : Ekot, TT

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".