HQ bank
Sawirka : TT

Madax ka tirsaneyd hogaanka bangiga HQ oo maanta maxkamad la soo taagayo

Maanta ayaa maxkamad waxaa la soo taagayaa shan qof oo ka mid ah hogaanka sare ee bangiga HQ kaas oo sanadkii 2010-kii musalifey.

Shantaan qof ayaa lagu tuhunsan yahay in ay isku dayeen qarinta khasaarooyin ganacsi oo bangigaas saamigiisa soo wajahay iyo sidoo kale in ay ku kaceen isdabamarin xisaabeed taas u soo jiidi karta in lagu xukumo xabsi gaaraya ilaa iyo lix sano.

Maxkamadda dadkaas la saarayo ayaa lagu wadaa in ay soco muddo 35 maalmood ah.

Bangigaan HQ ayaa wuxuu khasaarey saami waraaqo ah oo qiimahoodu gaarayo ilaa iyo 1,2 bilyan oo karoon,waxaa dhanka kale iyana la sugayaa maxkamad hor leh oo ay danbi baarayaashu ku soo oogayaan bangigaas taas oo la xiriirta dadkii lahaa saamiga bangigaas oo dalbanaya magdhaow gaaraya ilaa iyo shan bilyan oo karoon oo la xiriira khasaarihii dadkaas ka soo gaarey musalifaada bangiga HQ.

Xogta : Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".