Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

14 qof oo loo xirxirey in ay qorsheynayeen weeraro ay u geystaan goobo dad qaxooti ahi ku nool yihiin

La daabacay tisdag 9 februari 2016 kl 11.48
Polis-ka oo dad qabqabanaya.
Polis-ka oo dad qabqabanaya.

14 qof ayaa habeenkii xaley waxaa laga qabqabtey degmada Nynäshamn kuwaas oo lagu tuhmey in ay diyaarinayeen weeraro ay kula kacaan goobaha ay dadka magangalya doonka ahi ku nool yihiin.

Waaxda wararka ee talafishinka Iswiidhan ayaa sheegtey in saddex qof oo dadkaas ka mid ah la xirey kuwaas oo lala xiriiriyey mudaharaadkii naceybka qaxootiga xanbaarsanaa oo usbuucii hore ka dhacay barxadda Norrmalmstorg oo ku taala magaalada Stockholm.

Dadkaan ayaa waxaa markii la qabanayey baabuurtooda la dhex heley faasas iyo tuubooyin bira ah.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegey in ay qabteen dad u dhashey dalka Polen kuwaas oo iyagu dagen kana shaqeysta dalkaan Iswiidhan.

Booliiska ayaa heley warar la xiriira in ay jiraan dad raba in ay weeraro geystaan markaas ayey tageen goobta Nynäshamn markaas oo ay baabuurtii ay baareen ka dhex heleen faasas iyo tuubooyin bira ah.

Dadkaan la qabqabtey ayaa marmarsiiyo kala duwan ka bixiyey sababta ay goobtaas ugu sugnaayeen balse ciidamada booliiska ayaa ku tuhunsan in ay ku wajahnaayeen goob ay dadka magangalyo doonka ahi ku nool yihiin.

Xogta : P4 Stockholm, SVT Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".