Sawirka : Fredrik Sandberg /TT.
Södertälje. Sawirka : Fredrik Sandberg /TT.

Guryaha degmada Södertälje oo suuqa madow lagu kala ijaarto

Guryaha ijaarka ah oo hab suuqa madow ah loo ijaaro ayaa ku badan degmada Södertälje, waxayna hay’aduhu aaminsan yihiin in ay jiraan dad maafiya ah oo arrimahaas ka shaqeysta.

Degmada Södertälje ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka magaalada Stockholm ku xeersan oo ay dad badan oo soogalooti ahi gurya la’aanta jirta awgeed ula dageen dad saaxiibo iyo qaraaba la ah.

Laakiin dad badan oo kuwaas ka mid ah ayaa raba in ay heleen guryo iyaga u gaar ah si ay xoriyaddooda ugu noolaadaan laakiin taas waxaa hortaagan gurya la’aanta ba’an ee jirta.

Marka maadaama guryahaas la ijaarto lagu kala iibsanayo suuqa madow ,waxaa dhacda in ijaarkoodu maro gacan labaad ,saddexaad iyo mid afraadba oo intaba uu macaash u saaran yahay.

Arrimahaas ayaa waxaa ka shaqeysta dad burcad ah oo si qarsoon u abaabulan.

Kristian Halldin oo iyadu ka tirsan ciidamada sirdoonka ee gobolka Stockholm ayaa qabta in dadkaani yihiin kuwa u abaabulan in ka badan sida loo maleynayo islamarkaana ay jiraan lacago badan oo hawlahaas laga macaasho

Xogta : Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".