Bakteeriya aysan daawooyinku waxba ka tari karin

Laba qof oo dalkaan Iswiidhan ku nool ayaa waxaa laga heley bakteeriyada adkeysiga u leh daawooyinka,ama aysan wax ka tarin caadi ahaan daawooyinka lagu daaweeyo bakteeriyada. Sanadkii hore ayaa dalka Shiinaha waxaa laga heley bakteeriyada noocaan ah ee adkeysiga u leh daawooyinka intaas wixii ka danbeeyeyna waxaa dad bakteeriyadaas xanbaarsan laga lehey ilaa iyo labaatan dal.
Karin Tegmark-Wisell oo madax qeybeed ka ah hey’adda caafimaadka dadweynaha ayaa arrinkaan aad iyo aad uga walwalsan:
-ilaa hadda ma jiraan calaamado muujinaya in dadka jiran ee Iswiidhan joogaa ay bakteeriyadaas qabaan laakiin dadka dibadaha safarada u aadaya ama uga imaanaya ayaa dalkaan soo galin kara sidaas daraadeed waa in aan arrinkaan la soconaa il feejigana ku eegnaa, ayey tiri Karin Tegmark-Wisell.