Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciriiri xoog leh oo ka jira guryaha qaxootigu soo duldagaan iyo degmooyin ay si gaar ah isugu buurteen

La daabacay onsdag 10 februari 2016 kl 11.08
Guryo ciriiri iyo dhib lagu qabo
(1:25 min)
Xildhibaanad Boel Godner .
Xildhibaanada Boel Godner. sawir: TT. Montage: Sveriges Radio.

Dadka magangalyo doonka ah ama qaxootiga ah oo lagu meeleeyo ama la dajiyo guryo ay soo heleen ayaa sanadkii la soo dhaafey dalkaan aad iyo aad kor ugu kacey, tusaaale ahaan degmada Södertälje ayaa sanadkii hore waxaa lagu meeleeyey qaxooyi aad iyo aad u farabadan oo iyagu ka soo hehey guryo la dajiyo oo ay joogaan dad ehel ama asxaab dadkaas la ah.

Maamulka degmada Södertälje ayaa nidaamkaan aad iyo aad u canbaareeyey.Boel Godner oo iyadu ah xildhibaan ka mid ah xildhibaanada degmada Södertälje ayaa iyadoo arrinkaan ka hadleysey waxay sheegtey:

-aad iyo aad ayaan uga walwalsanahay arrinkaan maadaama ay aad u soo bateen qaxootiga dalkaan soo galey ,haddii degmooyinka oo dhammi ay mas’uuliyadda qeybtooda ka qaadan lahaayeen aad iyo aad ayey u fiicnaan laheyd.Meelaha gurya la’aanta ugu badani ka jirto ayaa la keenayaa qaxootiga ugu badan oo degmooyinka la dajinayo ,waxayna u muuqataa in arrinkaani sidaas uu ku sii socon doono ayey tiri Boel Godner.

Sida laga soo xigtey hey’adda qaxootiga, ilaa iyo sanadkaan horaantiisii waxaa dad kale oo guryo dagan lala dajiyey qaxooti gaaraya ilaa iyo 48 000 oo qof, tiradaas ayaana laba jibaarantey marka la barbardhigo tiradii sanadkii hore.

Guryahaas dadka qaxootiga ah la dajiyo ayaa waxaa ka jira ciriiri xad dhaaf ah oo ay dhib kala kulmaan dadka isku badan ee gurigaas wada dagani siiba waxaa arrinkaas dhib xoog leh ku qaba caruuraha goobahaas iyagu dagan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".