skjutningar i förorten Tensta
Bishii september keliya tiro ka badan shan goor ayey is-xabadeyn ka dhacday xaafadda Tensta. Shcabka degmadan ayaa hadda aad uga welwelsan amniga xaafadda. Sawirle:Wrasame Elmi/Sveriges Radio
Xaafadaha laga guuray.

Shacabka nawaaxiga Järva: degaankeena waa la dayacay

"Xaafadaheena waa la dayacay"
0:42 min

Hey'addaha adeegga bulshada ayaa ka sii dhamaanaya xaafadaha ay ku badanyahiin soo galootiga ee nawaaxiga Järva.

Hadey ahaan laheyd hey’adda caymiska bulshada Försäkringskassan, boostada, xaafiiska shaqada iyo xaafiisyada dowladda hoose waxay dhamaantooda ka guureen xaafadaha ay ku badan yahiin soogalootiga ee nawaaxiga Järva. Halka ay hey’addaha adeega ka guuraan waxaa lagu beddela ciidanka boliiska.

Haddaba Sidee shacabka xaafadaha Rinkeby, Tensta iwm u arkaan xaalka xaafadahooda? Waa arrinta uu ku  sabsanyahay barnaamijka poddka todobaadka ee khamiista.    

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".