Angel Villaverde.sawirka : Anders Brunberg
Angel Villaverde.sawirka : Anders Brunberg

Siyaasi Iswiidhish ah oo lagu soo oogey danbi argagixiso raad ku leh

Siyaasigaan danbi ku cad laguma hayo
1:21 min

Maanta ayaa dalka Peru waxaa maxkamad la soo taagi doonaa siyaasi Iswiidhish ah laakiin asalkiisu Peru u dhashey kaas oo lagu magacaabo Angel Villaverde, wuxuuna hogaamiye u yahay waaxda xisbiga deegaanku ku leeyahay degmada Sundsvall,ninkaas ayaa waxaa hadda dalka Peru gudihiisa looga soo oogey danbi argagixiso xiriir la leh.

Sanadkii hore bishii december 26-keedii ayaa Villaverde waxaa laga qabtey garoonka diyaaradaha ee magaalada Lima oo ah caasumadda dalka Peru, markaas oo uu halkaas u aadey si uu hooyadiis oo da’ ah u soo booqdo.

Villaverde ayaa wuxuu waayihii hore ahaa xubin firfircoon oo ka mid ah xisbiga shuuciga ah ee dalka Peru waxaana horey loogu eedeeyey in uu argagixisada xiriir la leeyahay balse horaantii 90-kii ayaa danbigaas lagu waayey markaas oo uu isaga iyo qoyskiisuba dalkaan Iswiidhan u soo qaxeen sanadkii 1995-tii.

Qareenka  ninkaan u doodaya Nilda Tincopa ayaa sheegtey in xeer ilaaliyayaasha dalka Peru ay codsadeen in Angel Villaverde lagu xukumo xarig gaaraya ilaa iyo 20 sano oo xarig ah maadaama uu caawiyey dad argagixiso ah lakiin ma aysan caddeyn cidda argagixisadaasi tahay  sidoo kalana ma  keenin wax caddeymo ah oo ninkaan lagu hayo in uu danbiyada noocaas ah galey ayey tiri Nilda Tincopa.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".