sawirka : Erpo Heinolainen SR Sisuradio
sawirka : Erpo Heinolainen SR Sisuradio

Ardey mindi ku dhaawacey ardey kale

Iskuul ku yaala degmada Sollentuna oo dhacda woqooyiga magaalada Stockholm ayaa maanta waxaa ka dhacay weerar minddi loo adeegsadey, sida uu qorey wargeyska Expressen.

Ciidamada booliska iyo gaadiid ambalaasyada ayaa goobtaas u gurmadey,waxaana lagu soo waramayaa in hal qof uu dhaawacmey.

Goob jooge halkaas ku sugnaa ayaa wargeyska Aftonbladet u sheegey in hal ardey dhaawac midiyeed soo gaarey kaas oo uu ardey kale falkaas geystey.

Falkaan danbi ayaa wuxuu ka dhacey afaafta hore ee iskuulka laga galo.

Xogta : TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".