Joe Hills identitetskort - Foto polisen i Salt Lake City
Joe Hills identitetskort - Foto polisen i Salt Lake City

In la mamnuuco qafaalashada aqoonsiga shakhsiga

Qafaalashada aqoonsiga shakhsiga
2:13 min

Hoggaanka dalka Sweden aya soo wada fikir la xiriira sidii loo xaaraantimayn lahaa in shakhsi kale aqoonsigiisa la qafaasho. Iyadoona illaa iyo hadda aanu falkaasi ahayn midsharci-darro ah.

Fikir xeerka oo lagu talo jiro inuu hir-galo 1-da bisha luulyo ee sannadkan 2016 ayaa la soo jeediyay inay ciqaabtiisu noqon doonto ciddii ku tallaabsata ugu badnaan 2 sannadood oo xarig ah.

Wsiirka dastuurka, Morgan Johansson oo middaa ka warramaya ayaa yiri: 

- Cidda tallaabooyin noocaasiya ku dhaqaaqda ayaa loo baahan yahay inay ogaato inay dembi faraha kulajiraan oo lagu xukumi karo.

Go’aanka baaritaanka ammuurtan ayaa la bilaabay intii ay awoodda dalka gacanta ku hayeen garabkii midig ee Alliansen-ku, hase yeeshee ay dawladda awoodda dalka gacanta ku heesaayi iminka go’aansatay sidii howshaa loogu ambaqaadi lahaa. 

Morgan Johansson iyo mar kale:

- Iminka waxaannu isku dayi doonaa sidii aan tallaabo ka dheer baaritaanka u qaadi laheyn. Waayo haddii falal noocani ah lagu noqnoqdo, oo la qafaasho aqoonsi uu ruux kale leeyahay in xabsi lagu mutey-san karo. Baaritaankii hore kuma aannu jirin, hase yeeshee iminkannu ku darnay.

Isha/ Ekot

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".