Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawladda oo doonaysa in ay sharci ku meel gaadh ah bixiso

La daabacay fredag 12 februari 2016 kl 10.26
Sharci meel ku gaadh ah
(1:59 min)
Delad bild: Flyktingar på Hyllie station samt Gustav Fridolin. Foto: Stig-Åke Jönsson samt Henrik Montgomery/TT.
Foto: Stig-Åke Jönsson samt Henrik Montgomery/TT. sawir: Stig-Åke Jönsson/TT

Dawladda ayaa soo bandhigtay hindise sharci oo ku saabsan si loo dhimmi laha tirada qaxooti ee waddanka soo gaadha. Qaar kuwan ka mid ah ayaa ah in dadkan la siiyo sharci meel ku gaadh ah.

Islamarkaas na qeeynuunka lugu atkeeyo dadka doonaya in eheeladooda loo keeno.

In kasta oo ay qaxootigu beryihii ugu dambeeyay soo yaraadeen, waxaa loo baahan yahay in tirodan la sii dhimo, ayuu ku tallinaya Morgan Johansson, wassiirka cadaaaladda ee Iswiidhan.

-Waa in aanu iska ilaalino xaaladii Iswiidhan ka dhacday sannadkii hore markey qaxooti faro badan halkan soo gaadhay, ayuu sheegay.

 

Qorshaha ku jira hindisaha sharci ee dawladda ayaa ah:

  • In sharci meel ku gaadh ah la siiyo dadka halkan sharci ka codsada, marka laga saaro saamiga qaxootiga ee dalku soo qaato, kvotflyktingar.


  • In shuruudaha lugu atkeeyo dadka doonaya in qoysaskooda amba ehelkooda loo keeno, islamarkaas na lugu xidho in ay masruufaan dadkan markey Iswiidhan yimaadaan.


  • Dadkii Iswiidhan ka codsaday sharci ka hor 24 bishii nofeembar sannadkii hore ayaa hadda codsan kara in ehelkooda loo keeno. Tan ayaa waagi hore ku koobneeyd caruurta kelinimada waddanka ku timaada.


  • Dadkii sharci Iswiidhan ka codsaday ka dib 24 nofeembar ayuu sharcigan cusubi saameeynaya.

Ulrika Årehed Kågström oo ah xoghayaha guud ee laanqayrta cas ayaa dhaleecaynaysa sharcigan cusub.

-Aad ayaan ugu welwelsanahay in qaxootiga doonaya in ay reerahooda loo keeno shuurudaha lugu sii atkeeyo. Tan ayaa dhowr sanno qaadan karta hadii sharcigan la dhabeeyo, ayey sheegtay.

Sharcigan ayaa hadii la dhabeeyo bilaababmaya 31 bisha may sannadkan, luguna talo galay in u saddexda sanno ee fooda inugu hayya shaqeeyo.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".