Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo si taxadar leh u soo dhaweysey xabad joojin laga maagan yahay dalka Suuriya

La daabacay fredag 12 februari 2016 kl 13.37
Xabad joojinta Suuriya
(1:05 min)
 Margot Wallström
Margot Wallström . Sawirkii : TT.

Habeenkii xalay ayaa wadamada mareykanka iyo Ruushku waxay ku heshiiyeen in muddo usbuuc gudihiis  ah xabad joojin laga hirgaliyo dalka Suuriya si dadka dalkaas ku dacdareysan mucaawinooyin loola gaaro.

Go’aankaan ayaa waxaa wada gaarey ilaa 17 dal oo shir dhankaas ku saabsan uu uga socdey magaalada Miyuunikh ee dalka Jarmalka.

Ujeedada ayaa aheyd in la jabiyo ismari waaga ku saabsan dagaalka ka oogan dalka suuriya laakiin heshiiska kama mid aha in la joojiyo dagaalka lagula jiro Daacish iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Wasiiradda arrimaha dibadda dalkaan Iswiidhan Margot Wallström ayaa si taxadar leh arrinkaan xaley la isku raacay u soo dhaweysey:

- Taxadar rajo xanbaarsan ayaan arrinkaan ka muujinayaa ,dad badan ayaa leh arrinkaan mid la mid ah horey ayaa golaha amniga looga sharqamiyey.dawladda ruushka ayaa hadda waxay joojin doontaa duqeynta ay mucaaradka Suuriya duqeyso balse waxay duqeynteeda u weecin doontaa ururada Daacish iyo Al-nusra ,ayey tiri Margot Wallström.

Xogta / Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".