Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Maareeyihii machadka Karolinska Anders Hamsten oo iscasiley

La daabacay måndag 15 februari 2016 kl 10.00
Maareeyihii machadka Karolinska oo iscasiley
(1:18 min)
Anders Hamsten. sawirkii  Jonas Ekströmer / TT
Anders Hamsten. sawirkii Jonas Ekströmer / TT sawir: Jonas Ekströmer/TT

Maareeyihii machadka Karolinska Anders Hamsten ayaa iscasiley,waxaana arrintaas soo dhaweeyey gudoomiyaha golaha guud ee maamulka machadkaas Lars Leijonborg.

_Waan soo dhawenayaa in Anders Hemsten uu garawsadey in uu arrinkaas ku qaldamey haddana uu iscasilo, ayuu yiri Lars Liejonborg.

Liejonborg ayaa sheegey in uusan qabin in maamulka guud ee machadkaasi ay aheyd in uu hadda ka hor shaqada ka eryo maareeyaha machadkaas oo canbaareyno xoog leh loo soo jeediyey ka dib fadeexadii ka dhacdey machadka Karolinska oo uu sababey takhtar lagu magacaabo Paolo Macciarini oo dad uu neefmareenka ka qaley ay sababeen dhimasho.takhtarkaan ayaa siddeed qof oo uu qaley waxaa dhintey lix ka mid ah,waxaana lagu eedeeyey in takhtarkaasi ku kacay khayaano iyo in uu marin habaabiyey dadkaas uu qaley.

Anders Hamsten ayaa sheegey in uu maamulka machadkaas  ka tagayo islamarkaasna qiranayo in uu ku qaldamey qiimeynta takhtarkaas muranka weyn dhaliyey ayna aheyd in uusan machadka Karolinsku markii horeba shaqaaleyn ninkaas.

Anders Hamsten oo maanta maqaal ku qorey wargeyska Dagens Neyheter ayaa ku sheegey in kalsoonidii lagu qabey ka maamule ahaan ay guud ahaan dhuntey haddii ay noqoto dadweynaha ,cilmi baarayaasha iyo ardada intaba sidaas daraadeedna uu shaqada ka tagayo.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".