.
dagaal qaxooti dhexmarey oo dhimasho sababey. sawir: Daniel Sjöholm

Labaatan jir lagu diley dagaal ka dhacay xerada qaxootiga ee Ljusne

Dagaal qaxooti oo dhimasho sababey
1:34 min

Habeenkii sabtida ayaa dagaal ka dhacey meel qaxooti ku nool yahay oo ku taala Ljusne taas oo ku dhow degmada Söderhamn waxaa laga soo xirey nin lagu tuhunsan yahay in uu dil geystey iyo in uu isku dayey in uu dad dilo.

Christer Nordström oo ah afhayeenka ciidamada booliiska ayaa isagoo arrinkaan ka hadlaya wuxuu sheegey :

-dagaal ayaa ka dhacay Ljusne kaas oo sababey in afar qof ay ku dhaawacmaan , mid dadkaas dhaawacmey ka mid ahaa ayaa  markii danbe wuxuu u dhintey dhaawicii soo gaarey intii takhtarka loo sii wadey.

Ninkaan labaatan jirka ahaa ee dhintey ayaan isagu ku nooleyn xaruntaas qaxootigu ay ku nool yihiin,sida booliisku sheegeena ninkaasi wuxuu daganaa  Söderhamn.

Sadexdaas qof oo dhaawacyadu soo gaareen ayaa isbitaalkii ka baxay maadaama dhaawacyadoodu ay ahaayeen kuwa fudud .

Booliiska ayaa markii hore qabtey saddex qof oo goobtaas ku sugnaa balse laba ka mid ah ayaa markii danbe la sii daayey balse midka saddexaad ayaa wali xiran kaas oo falkaas danbi lagu tuhunsan yahay.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababey dagaalkaas laakiin wargeysyada ayaa qorey in dagaalkaas mindiyo loo adeegsadey.

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven ayaa falkaan Ljusne ka dhacay ka faaloodey isagoo imminka booqasho ku jooga dalka Hindiya,wuxuuna sheegey in arrimaha amnigu ay aad iyo aad muhiim u yihiin.

Raysal wasaaraha ayaa intaas ku darey in ciriiriga iyo isbuurashada ka jira goobaha ay qaxootigu dagan yihiin ay marar sababaan khilaafaad iyo dagaalo ka dhaca goobaha ay qaxootigu ku nool yihiin.

Xogta/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".