Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Fikrado la xiriira sidii soogalootiga dalkaan loo shaqaaleysiin lahaa

Suuqa shaqada iyo soogalootiga
2:18 min
Sawirkii : Mia Pettersson / SR.

Maadaama shaqa la’aantu ay aad ugu badan tahay dadka dalkaan dibaddiisa ku dhashey ayaa si shaqa la’aanta dadkaas heysa loo dhimo waxay khubaro dhaqaalayahano ahi soo jeediyeen in shirkadaha wax shaqaaleysiiyaa si ay dadkaas shaqaale cusub ugu qortaan laba arrimood loo sameeyo:

Tan koowaad oo ah in la dhimo canshuurta shaqada iyo tan labaad oo ah mushaarada dadkaasi qaadanayaan oo la dhimo.

Fikirka dhaqaalayahanadaani ay soo jeediyeen ayaa waxaa ka hor yimid Ola Pettersson oo isagu ah madaxa qeybta dhaqaalaha urur weynaha guud ee shaqaalaha dalkaan Iswiidhan kaas oo sheegey in fikradahaasi aysan aheyn wax cusub :

-Ma aaminsani in fikirkaani uu raad weyn ku yeelan karo suuqa shaqada dalkaan ,waana caqli xumo haddii aan aamino in fikradahaani ay wax weyn ka badalayaan habka shaqaaleynta ee dalkaan ka jira, ayuu yiri Ola Pettersson.

Xisbiyada Socialdemokradi-ga, Vänsterparti-ga iyo Miljöparti-ga ayaa iyagu ka horyimid in mushaarada iyo canshuuraha labadaba la dhimo,taas badalkeedana waxay soo jeediyeen in heerka mushaarada ay ka wada xaajoodaan ururka shaqa bixiyayaasha iyo ururada shaqaaluhu laakiin siyaasiyiintu aysan marna arrimahaas soo faragashan.

Xisbiga Libaraal-ka ayaa isagu soo jeediyey hab cusub oo ay dhallinyarada iyo dadka soogalootiga ahi suuqa shaqada ku soo gali karaan.

Xisbigaan ayaa soo jeediyey in dadkaas marka la shaqaaleynayo ay mushaaradoodu noqdaan inta u dhaxeysa 14 000 ilaa iyo 16 000 oo karoon isla markaasna meesha shaqaaleysey laga cafiyo canshuurta shaqa bixiyayaasha laga qaado.

Xisbiga Center-ka ayaa isna qaba in shaqa bixiyayaasha iyo ururada shaqaaluhu heshiis gaaraan kaas oo lagu dhimayo mushaarada ay qaataan marka shaqo loo qorayo dadka soo galootiga ee Iswiidhan ku shaqo la'. 

Xisbiga Kristdemokrat-ka ayaa isna soo jeediyey in qofka la shaqaaleysiinayo la siiyo mushaar ilaa iyo 75 boqolkiiba ah mushaarada wadar ahaanta ay ugu heshiiyeen shaqa bixiyayaasha iyo ururada shaqaaluhu laakiin mudada qofkaas habka noocaas  ah lagu shaqaaleysiinayaa waa in aysan ka badan shan sano.

Xisbiga Moderad-ka ayaan isagu ilaa iyo hadda soo bandhigin wax fikir ah oo la xiriira mushaaro hoose oo la siiyo dadka soo galootiga ah oo bilaabaya shaqooyinka cusub laakiin waxay qabaan in shirkadaha shaqaaleysiinaya dhallinyarada canshuurta shaqada laga dhimo.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".