Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyinka qaarkood oo iska fogeeya caruuraha kali socodka ah ee lagu soo meeleeyo

La daabacay tisdag 16 februari 2016 kl 10.02
Dhallanka kali socodka ah iyo degmooyinka
(1:32 min)
Ilmo aan waalidkiis la socon.Sawirkii : Jessica Gow / TT / Kod 10070
Ilmo aan waalidkiis la socon.Sawirkii : Jessica Gow / TT

Caruuraha qaxootiga ah ee dalkaan Iswiidhan yimid iyagoo aan wax waalid ahi la socon ayaa hay’adda qaxootigu markii ay degmooyinka qaarkood ku meeleyso waxay degmooyinkaasi caruurahaas lagu soo meeleeyey u xawilaan qoysas ku nool degmooyin kale.Tusaale ahaan degmada Danderyd ayaa waxaa hadda ku sugan oo kaliya saddex ka mid ah 62 ilmood oo degmadaas horey loogu soo meeleeyey.

Olle Reichenberg waa gudoomiyaha degmada Danderyd isla markaasna ah xubin ka tirsan xisbiga Moderaad-ka :

- Arrin sahlan ma aha in caruurahaas loo helo qoysas lagu meeleeyo maadaama ay dalkaan imaanayaan caruuro badan oo aan wax waalid ahi la socon, waan jeclaan lahaa in aan degmada Danderyd ka helno qoysas badan oo caruurahaas lagu meeleeyo balse kuma aanaan guuleysan, ayuu yiri Olle Reichenberg.

Laba sano ka hor ayey hay’adda qaxootigu bilowdey iyadoo sharci cusub cuskaneysa in ay degmooyinka ku khasabto in ay qaataan oo meeleeyaan caruurahaas kali socodka ah.Arrinkaan ayaa waxaa sababey maadaama dalkaan ay mudooyinkii danbe soo galeen caruura badan oo kali socod ah, ayna   degmooyinka qaarkood qaateen caruuro aad u farabadan badan oo kali socod ah meesha degmooyinka qaarkoodna  aysan  waxba ka qaadan caruurahaas la meeleynayo.

Ujeedada sharcigaas cusub laga lahaa ayaa aheyd in degmooyinka oo dhammi mas’uuliyad iska saaraan sida dhallaankaas kali socodka ah bulshada loo dhexgalin lahaa.

Ilaa iyo hadda dalkaan Iswiidhan  kama jiro wax sharci ah oo ciqaabaya degmooyinka caruurtii kali socodka aheyd ee lagu soo meeleeyey u wareejinaya degmooyin kale waana fal ay degmooyin badani imminka sameeyaan.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".