Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Laba siyaasi oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokrati-ga oo musuqmaasuq lagu soo eedeeyey

La daabacay tisdag 16 februari 2016 kl 14.33
Sawirkii : Henrik Montgomery / TT)
Sawirkii : Henrik Montgomery / TT)

Siyaasiyiin laba ah oo baarlamaanka dalkaan ugu jira xisbiga Sverigedemokrat-ka, kana tirsan sare ee isla xisbigaas ayaa booliiska lagu dacweeyey ka dib markii lagu soo eedeeyey musuqmaasuq.

Wargeyska Aftonbladet ayaa sheegey in labadaan siyaasi lagu tuhunsan yahay in ay musuqmaasuqeen lacago boqolaal kun oo karoon gaaraya.

Siyaasiyiintaan ayaa lacagahaas waxay ka qaateen waaxda xisbigaas Sverigedemokrati-gu ku leeyahay degmada Jönköping.

Dacwadaan ayaa waxaa booliiska u gudbiyey dad isla xisbigaas Sverigedemokrat-ka ka tirsan ,booliiska ayaana  baaritaankooda dhacdadaas ku saabsan guda galey.

Labadaan nin ee danbigaas lagu soo eedeeyey ayaa iyagu inkirsan in ay fal danbiyeedkaas ku keceen.

Xogta / Aftonbladet

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".