SAAB
Saab

Canbaareyn loo soo jeediyey raadaaro la rabo in laga iibinayo dalka Imaaraatka Carabta

Imaaraadka yaan raadaaradaan laga iibin.
1:30 min

Shirkadda Saab qaybteeda agabka ciidamada sameysa ayaa sanadkii hore waxay heshiis la saxiixatey dawladda Imaaraadka carabta  kaas oo dalkaasi rabo in uu iibsado qalabka raadaarada ee hawada sare lagu ilaaliyo laakiin heshiiskaas ayaa hadda dhaleeceyn loo soo jeediyey maadaama dalkaas ay xukumaan dad kali taliyayaal ah iyo in ciidamadiisu ay hadda ka qeyb qaadanayaan dagaalka sokeeye ee ka oogan dalka Yemen.

Stig Henriksson waa xildhibaan baarlamaanka ugu jira xisbiga Vänster-ka, wuxuuna xubin ka yahay guddi baarlamaanku leeyahay oo talooyin ka soo bixiyo koontaroolidda agabka dalkaani dibadda u dhoofinayo.

Stig Henriksson ayaa aaminsan in aan dawladdaas laga iibin hubka noocaas ah:

– Dalkaas Imaaraadku waxay buuxsheen dhammaan shuruudihii aanu xadadney in dalkii laga helo aanaan wax hub ah loo dhoofin, dalkaas gudihiisa waxaa lagu xadgudbaa xuquuqda bani’aadamka wax dimuquraadiyad ahina kama jiraan isla markaasna dalkaasi wuxuu ka qeyb qaadanayaa dagaal hadda socda , ayuu yiri Stig Henriksson.

Bishii november ee sanadkii hore ayey aheyd markii dawladda Imaaraadku ay heshiis qiimihiisu dhan yahay 10,5 bilyan oo karoon la gaartey shirkadda Saab kaas oo dalkaas looga iibinayo qalabka raadaarka ee hawada lagu ilaaliyo.

Shirkadda Saab ayaa hadda ka hor isla qalabkaas waxay ka iibisey dalal ay ka mid yihiin Pakistan iyo Thailand.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".