Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka qaba cudurada Jabtada iyo Kalamiidiyaha ayaa dalkaan aad iyo aad kor ugu kacey

Dadka qaba cudurada jabtada iyo kalamiidiya oo dalkaan ku soo batey
0:49 min
Sawirkii : Jurek Holzer/TT
Sawirkii : Jurek Holzer/TT

Dalkaan Iswiidhan gudihiisa ayaa waxaa aad kor ugu kacey dadka qaba cudurada galmada laga qaado  ee jabtada iyo caabuqa loo yaqaano kalamiidiya oo isla cudurkaas jabtada u dhow.

Hey’adda caafimaadka dadweynaha ayaa aaminsan in arrintaan ay sabab u tahay dadka oo aan isticmaalin cinjirka galmada loo isticmaalo ee cudurada qofka ka difaaca iyo dad badan oo gogol dhaaf sameynaya laakiin waxay sidoo kale xuseen in dadku caafimaadkooda u baaraan si ka badan sidii markii hore ay sameyn jireen.

Sanadkii hore ayaa dalkaan waxaa laga heley 38 000  qof oo qaba caabuqa Kalamiidiya taas oo ah tiradii ugu sareeysey ee muddo 7 sano ah dalkaan lagu arko,sidoo kalan waxaa iyana la heley dad cudurka jabtada qaba oo tira ahaan gaaraya ilaa iyo 1.700 oo qof.

Cuduradaan jabtada iyo Kalamiidiyada ayaa qofkii ay ku dhacaan waxaa yaraaneysa fursadaha uu ilmo ku dhali karo.

Xogta / Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".