tacc9de9 sjöstedt partiledardebatt. foto: jessica gow/TT.
Serokê Partiya Çep Jonas Sjöstedt di gotûbêja serokên partiyan de. Wêne: Jessica Gow/TT.

Jonas Sjöstedt oo lugta ka jabay

Hogaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt ayaa saakay subaxii hore laguta ka jabay kaddib markii uu sanbariiraxday isagoo maraya meel u dhow xaafaddiisa. 

Sidaas waxaa TT u sheegtay Jessica Nord oo ah gacanyarahiisa dhanka saxaafadda.

- Xaaladdiisa caafimaad wey wanaagsan tahay, ayey tiri Jessica Nordh.

Sjöstedt asna waxuu ku qoray barta Twitterkiisa in lagu dabiibayo hosbitaalka Södersjukhuset ee Stockholm "mahadsanadiin dadka xaafadda Middsommarkransen iyo ambulanska daryeelka ii fidisay markaan u baahnaa", ayuu qorey

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa shilka ku qasbayaa in ay baajiyaan kulamo badan oo uu xisbi yeelan lahaa, inkastoo afhayeenkiisa sheegin inta uu Sjösted ku jiri doono hosbitaalka.

Kuxigeenka xisbiga Ulla Andersson ayaa la sii wareegeysa hogaanka xisbiga inta uu maqan yahay Sjöstedt.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".