Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga dalkaan soo galaya oo wadooyinkii ay markii hore ka soo gali jireen meelo kale u badaley

La daabacay onsdag 17 februari 2016 kl 13.25
Wadooyin cusub oo hadda qaxootigu dalkaan ka soo galo
0:52 min
.
Sawirka :TT

Koontaroolka la saarey buundada Öresund ee u dhexeysa dalalka Iswiidhan iyo Denmatk  ayaa si xoog leh  hoos u dhigey dadkii magangalyo doonka ahaa ee wadadaas uga soo gudbayey gudaha dalkaan Iswiidhan.

Wargeyska Sydsvenska ayaa qorey in laga soo bilaabo horaantii sanadkaan 119 qof oo kaliyihi ay tareeno,baabuur iyo basasba  dalkaan ku soo galeen iyagoo ka yimid caasumadda dalka Denmark ee Koobanheegan si ay qaxooti ahaan isaga dhiibaan.

Wargeyska ayaa intaas ku darey in doomo yimaada magaalooyinka Trelleborg iyo  Göteborg ay hadda noqdeen wadada ay soo maraan dadka qaxooti doonka u imaanaya dalkaan Iswiidhan.

Sida wargeysku qorey ilaa horaantii sanadkaan 2016-ka waxaa dalkaan qaxooti isaga dhiibey ilaa iyo 5 000 oo qof meesha afartii bilood ee sanadkii hore ugu danbeysey ay qaxootiga wadada Malmö ka soo gudbey ay dhamaayeen ilaa iyo 114 000 oo qof.

Xogta / Sydsvenskan

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".