Raysal wasaare Stefan Löfven. Sawirkii : Henrik Montgomery/TT.
Raysal wasaare Stefan Löfven. Sawirkii : HENRIK MONTGOMERY/TT

Stefan Löfven oo aqbaley shuruudihii dalka England uu midowga yurub ka dalbanayey

0:48 min

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven ayaa sheegey in uu diyaar u yahay in uu aqbalo shuruuda uu dalka boqortooyada England ku xirey ka mid ahaanshihiisa uu ka sii mid ahaanayo ururka midowga yurub taas oo ah in loo ogolaado in dalka England uu mucawanada qeyb ahaan ama guud ahaanba ka  jarto dadka heysta dhalashada wadamada ururka midowga yurub ee ka shaqeysta dalkaas boqortooyada England.

Ray’salwasaare Stefan Löfven ayaa intaas ku darey in uu arrinkaas u ogolaanayo  si mushkiladdaas ka dhexjira midowga yurub iyo dalka England xal loogu helo.

Madaxda sare ee wadamada ururka midowga yurub ayaa maanta shir ay uga xaajoonayaan arrimahaas waxay isugu imaan doonaan magaaladda Bryssel.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista