Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Xarun dhaqan oo jaaliyadda turkigu Fittja ku leeyihiin oo la qarxiyey

La daabacay torsdag 18 februari 2016 kl 11.14
Xarun ay leeyihiin jaaliyaddaturkiga oo la qarxiyey
1:35 min
sawirkii: Johan Nilsson/TT
sawirkii : Johan Nilsson/TT sawir: Johan Nilsson/TT

Habeenkii xalay ee khamiistu soo galeysey ayaa degmada Botkyrka wuxuu qarax ka dhacay goob xarun u aheyd urur dhaqameed ay  turkigu iska leeyihiin kuna yaala xaafadda Fittja.

Qaraxaas ayaa sababey in muraayadihii dariishaduhu ay soo daataan isla markaasna qiic badani goobtaas kor uga baxo.

Ismail Zengin oo isagu ururkaas turkigu leeyihiin madax u ah ayaa sheegey in xaruntaas wixii yaaley oo dhammi ay baabe’een,muraayadihii oo dhammina soo daateen isla markaasna shey walbaa dabeysha raacay.

Ciidamada booliiska ayaa guda galey baaritaan dhacdadaas ku wajahan, goob jooge meeshaas joogey  ayaase sheegey in markii falkaasi dhacayey ay goobtaasi cidla aheyd oo aan dad joogin.

Maalmo ka hor ayaa isla xaruntaas dagaal ka dhacay xilli ay goobtaas agmarayeen dad kurdi ah oo mudaharaadayey ,qof ayaana markii la toogtey waxaa soo gaarey dhaawac aad iyo aad khatar u ah.

Ciidamada booliiska ayaan ilaa hadda ogeyn in xiriir ka dhexeeyo qaraxii xaley dhacay iyo dagaalkii horey agagaarkaas uga dhacay.

Sven-Erik Olsson waa afhayeenka ciidamada booliska ee gobolkaas:

-Arrintaan sawir buuxa kama haysto sidaas daraadeedna ma rabo in aan ka hadlo.Waxaanu hadda awoodayada saareynaa wixii hadda dhacey ayuu yiri Sven-Erik Olsson.

Qof goobtaas qaraxu ka dhacay ka ag dhawaa ayaa sheegey in uu arkayey qof wax ku tuurey goobtaas qaruxu ka dhacay

Xogta / SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".