Polisbilar i Österrike och IS-krigare i Syrien. Foto: Facad Mulla, AP
Polisbilar i Österrike och IS-krigare i Syrien. Foto: Facad Mulla, AP sawir: Facad Mulla, AP

17 sanno jir ka tagtay Sweden si ay ugu biirto argagaxiso oo Maxkamad Austoria ku taal xukuntay

Ygeman: sharciga cusub waxuu joojinayaa ku biirista argagaxisada
2:07 min

Maxkamad ku taal dalka Austria ayaa maanta cinqaab hal sanno oo xarig ah ku xukuntay gabadh 17 sanno jir ah oo ka tagtay magaalada Linköping. 

Gabadhan 17 jirka ah ayaa lagu hleay denbi ah in ay xubin ka tahay urur argagaxiso.

Gabadha ayaa lagu qabtay 5 december maxado taareen oo ku taala Wien dalka Austria kaddib markii waalidka gabadha ay boliska u gudbiyeen dacwad ah in guriga laga waayeey. Waxaa jiray tuhna ah in gabadhan u socdaashay Suuriya si ay ugu biirto ururka daacish.

Sharci argagaxiso oo cusub

Gu’ga hadda billaamaya ayaa la filayaa in Sweden uu ka hirgalo sharci cusub oo mamnuucaya u dhofidda argagaxisada iyo taageeridda ururada argaagxisada ah. Haddii uu sharcigan hadda la qorhseynayo uu horey u jiri lahaa gabadhan 17 sanno jirka ah uma suurowdeen in ay ka tagto Lindköping oo u socdaasho dibadda si ay ugu biirto argagaxisada, sidaas waxaa yeri Anders Ygeman oo ah wasiirka arriamha guddaha.

- Haddii sharciga maanta jiri lahaa ciimadamada boliska mar hore ayey soo farogelin lahaayeen oo gabadhan ka hor istaagi lahaayeen in ay socdaasho, haddii lagu tuhmo denbi. Waana midda ka damacsanahay sharciga cusub, in aan mar hore soo farogelino si aan ugu hor istaagno dadka in ay socdaalaan si ay uu biiraaan Daacish, ayuu yeri Anders Ygeman

Maantaba waa jira sharci lagu cinqaabo ruuxa ku biira argagaxisada  Laakiin sharciga cusub ee ay dowladda qorsheynayso ayaa ujeeadada laga leeyahay tahay in uu sii qayaxo oo sii adkeeyo sharciga horey u jiray, iyadoo sharcigan cusub cinqaab lagu muteysanayo xataa haddii qofka uu u fidiyo taageero kooxaha argagaxisada ah. Ujeedo kale oo sharigan laga leeyahay waxay tahay in dadka laga hor istaago in ay u socdaalaan goobaha argagaxisada ka jirto si ay ugu biiraan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".