Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
En polis med kommunikationsradio på axeln. Foto: Fredrik Sandberg/TT.
1 av 2
Foto: Fredrik Sandberg/TT.
Polisavspärrning
2 av 2
sawir: Marcus Lindblad/TT.

Boolisyadda wadamada noordika oo wada shaqeeynta kordhinaya

"Waa in wadashaqeeynta la kordhiyo"
2:49 min

Laga bilaabo sannadka dambe 2017 ayey boolisyadda waddamada noordika ah wadashaqeeyntooda sii kordhin karaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa u jeeda in u isbedelkani muhiim u yahay degmooyinka ay dadku ku yaryihiin. Ygeman ayaa sheegay in u soo bandhigi doono hindise sharci arrinkan ku saabsan sannadka aanu ku jirno 2016 iyo in sharcigan la dhabeeyn karo sannadka dambe hadii u taageero ka helo barlamaanka.

-Tusaalahan hadii ay wax ka dhacaan magaalada Haparanda ee waqooyiga Iswiidhan ku taala hasayeeshe u dhow xuduudka waddanka Finland waxaa laga yaaba in booliska Finland halkaas loo diro. Waxaa dhaci karta in  laba boolis oo laba waddan ka kala socda wada shaqeeyan, ayuu sheegay wassirka arrimaha gudaha.

Wuxuu u jeeda in ay boolisyadda waddamada noordika wadashaqeeyn karaan markey tusaalahan wadamadu leeyehiin dhacdooyin waaweeyn oo sporti ah tusaalahan tartanka kubada cagta.

-Hadii la dhabeeyo qorshahan shaqadu weey u fududaanaysa boolisyadda wadamadan madama ay is caawinayaan, natiijada shaqada ay qabtaan na wey ka sii wanaagsanaanaysa ta ay maanta qabtaan, ayuu yidhi Ygeman.

Ururka shaqaalaha booliska ee polisförbundet ayaa qorshahan soo dhaweeynaysa.

-Waa arrin aannu muddo dheer ka hadlaynay in aanu u baahan nahay, wadoshaqeeyntan ayaa khaasatan looga baahan yahay degmooyinka yaryar ay dadku ku badnayn. Hasayeeshe hadii qorshahan la dhabeeyo waa in la tabobaro boolisyada, madama ay wadamo kale duwan ka shaqeeyaan, wadan kasta na qeeynuun u gaar ah ayuu leeyahay. Sidaas waxaa sheegay Hasse Olsson oo ah afhayeenka ururkan.

Laakin inta aan la dhabeeyn qorshahan waa in u barlamaanka taageero u ka helo. Denmark iyo Finland ayaa ka mid ah wadamada sharcigan aqbashay, halkey Norway dhowaan ansaxin doonto. Wassirka arrimaha gudaha Iswiidhan Anders Ygeman ayaa rajeeynaya in sharcigan la dhabeeyo sannadka dambe.

Wada shaqeeyntaan ayaa tusaalahan ahaan karta in u booliska Denmark xaq u leeyahay in u dambiile iswiidhan ku qabto, hasayeeshe u booliska Iswiidhan hogaamiyo habka ay u shaqeenayaan.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".