Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wadahadala u dhexeeya midowga Yurub iyo boqortooyada England oo wali aan heshiis laga gaarin

La daabacay fredag 19 februari 2016 kl 10.26
shirkii ururka midowga Yurub oo wali cakiran
(1:57 min)
Raysal wasaare Stefen Löfven.
Raysal wasaare Stefen Löfven. Sawirkii : Jan Andersson

Shirka uga socda magaalada Bryssel madaxda sare ee xubnaha ka ah ururka midowga yurub ayaa laga sugayaa in isu tanaasulid uu ku dhamaado si dalka boqortooyada England uu xubin ahaan uga sii mid ahaado ururkaas midowga yurub.

Sidaas oo ay tahayna  iyadoo madaxdaasi ay maalin dhan shirsanaayeen ilaa hadda ma jiraan wax weyn oo halkaas ka dhacey.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in raysal wasaaraha dalka England David Cameron uu shirkaas soo hordhigey in dalkiisa xaq loo siiyo in uusan wax xuquuq ah siin 13-ka sano ee soo socota dadka soogalootiga ah ee dalkaas ka shaqeysta.

Hogaamiya midowga yurub Donald Tusk ayaa rajeynaya in maanta oo jimce ah heshiis halkaas lagu gaaro lagase yaabo in shirkaasi sii socda maalmaha sabtida iyo axadda haddaan wax heshiis ah maanta la gaarin.

-Waxa jira tilaabooyin aan horey u qaadney balse wax badan ayaa wali dhimmaan.wada hadalo dheeraad ah  ayaan la yeelan doonaa Raysal wasaare Cameron ,madaxweyne Hollande , raysal wasaarayaasha  tjech-ka Sobotka iyo kan dalka Belgim Michel,ayuu yiri Donald Tusk.

Badanaa madaxda 28-ka dal ee xubnaha ka ah ururka midowga yurub ayaa waxaa ka go’an in shirkaas is-afgarad lagu gaaro

Raysal wasaaraha dalkaan Iswiidhan Stefan Löfven ayaa aaminsan in xal ay gaaraan madaxda midowga yurub uu muhiim yahay :

-Waxaa jira tartan xoog leh oo adduunku nagula jiro iyo waliba dalka Ruushka oo daandaansigiisu sii siyaadayo sidaas daraadeed arrinkaani waa wax horseedi kara yurub oo wiiqanta ,ayuu yiri Stefan Löfven .

Raysal wasaare Cameron ayaa isagu dhankiisa muujiyey in uu ku mintidayo waxa dalkiisu rabo:

-Arrintu ma sahlana laakiin anigu waan u dagaalamayaa danaha boqortooyada England, ayuu yiri David Cameron.

Xogta /Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".