Qaxooti.
Sawirkii : Matilda Eriksson Rehnberg.

Qaxootiga raba in ay iskood dalalkoodii ugu noqdaan oo dalkaan Iswiidhan kor u kacey

Qaxooti iskood uga noqonaya Iswiidhan
2:56 min

Dalkaan Iswiidhan ayaa waxaa ku soo badanaya dadka qaxootinimo dalkaan isaga dhiibey ee hadda raba in ay dalalkoodii dib ugu noqdaan.


Xiliyadii hore ayaa dad gaaraya 300 qof bishiiba waxay ka noqon jireen magangalyadii ay dalkaan Iswiidhan weydiisteen laakiin tirada dadkaas ayaa laga soo bilaabo bishii November laba jibaatantey.

Azatullah Azammi waa wiil 25 jir ah oo ka yimid dalka Afqaanistaan wuxuuna ku nool yahay xero qaxooti oo ku taala meel ka baxsan degmada

Karlskrona : 

-Aniga ayaa ka mid ah dadka raba in ay Afqaanistaan dib ugu noqdaan. Dalkaan Iswiidhan markaan imaaneyney rajo iyo hididiilo weyn ayaa nagu jirtey laakiin  taasi dhab ma noqon, ayuu yiri Azatullah Azammi.

Azatullah Azammi ayaa dalkaan Iswiidhan ku sugna muddo afar bilood ah, wuxuuna xafiiska qaxootigu sheegey in ilaa iyo muddo laba sano ah ay qaadaneyso in jawaab la siiyo ku saabsan in uu dalkaan sii joogi karo iyo in kale.

Azatullah Azammi ayaa arrinkaasi wuxuu ku ridey niyad jab taas waxaa sii dheer iyadoo dalkaani uu rabo in uu marba marka ka danbeysa uu sii adkeynayo arrimaha qaxootiga la xiriira.

Badanaa 700 qof oo qaxootiga ah ayaa bil kasta  dib ula noqda codsigoodii qaxootinimo ee ay dalkaan Iswiidhan weydiisteen , waxayna  ka kala yimaadeen dalalka Ciraaq, Afqaanistaan iyo Suuriya.

Kristina Rännar oo iyadu hay’adda qaxootiga u qaabilsan dadka qaxootiga ah ee dalkaan dib uga noqonaya ayaa la weydiiyey sababta ay aad ugu kaceen qaxootiga raba in ay dalkaan dib uga noqdaan:

-Waan saadaalin karnaa. Waxaana laga yaabaa in ay sababtu tahay mudada dheer ee ay jawaabta sugayaan,mudada dheer oo ay qaadan karto in eheladooda loo keeno iyo sidoo kale guryaha qaxootigaas la dajiyo oo ciriiri xoog lihi ka jiro, ayey tiri Kristina Rännar.

Laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii ayaa dalkaan Iswiidhan waxaa ka jirey fursad ay dadka qaxootiga ah ee dalkaan dib uga noqonaya ama sharciyada loo diidaa ay ku codsan karaan lacago ay dalalkoodii dib ugu noqdaan.

Lacagtaas ayaa dhan 30 000 oo karoon qofka qaangaar ah, 20 000 oo karoona qofkii caruur ah ,inta ugu badan ee halkii qoys heli karaana waa ilaa iyo 75 000 oo karoon taas oo gacanta qofkaas loo galiyo marka dalkiisii laga dajiyo.

Kristina Rännar ayaa sheegtey in aysan suurtagal aheyn in qof qaxooti ah oo joogey dalkaan Iswiidhan muddo kooban sida usbuuc oo kale uu codsado ama la siiyo lacagaha noocaas ah, sharciguna naguma amrayo in aan bixino wax ka baxsan awoodayada, ayey tiri  Kristina Rännar.

Xogta / P4 Blekinge

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".