JOE RAEDLE
sawir: JOE RAEDLE

Maamulkii hore ee Saab oo dembi dhaqaale lugu soo oogay

Shan qof oo hore uga tirsanaan jiray maamulka sare ee shirkada Saab Automobiles ayaa dacwad dembi dhaqaale ah lugu soo oogay.

Xeer ilaaliyaha kiiskan maxkamadeed ayaa u jeeda in shakhsiyadani kontroolka canshuurta shirkadan ogaan u dayaceen, lacag gaadhaysa 30 862 999 koroon na ku qarsadeen shirkad ku taala waddanka cyprus.

Olof Sahlgren oo ah xeer ilaaliyaha kiiskan maxkamadeed ayaa sheegay in shakhsiyadan lugu xukumi karo 4 sanno oo xabsi ah.

Dadka la tuhunsanyahay ayaa dembigan dafirsan.


Isha/GT,TT




Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".