Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ingiriiska oo ka codeeynaysa xubinnimada EU

La daabacay måndag 22 februari 2016 kl 10.27
Löfven: "Waan ku faraxsanahay heshiiska"
(2:27 min)
Den brittiske premiärministern David Cameron under en presskonferens efter EU-toppmötet.
Efter ett EU-toppmöte på övertid kunde en nöjd brittisk premiärminister berätta om resultatet. sawir: Geert Vanden Wijngaert

Sabtidii ina soo dhaaftay ayaa heshiis laga gaadhay shirkii EU ee ku saabsana xubinimada midowga yurub ee waddanka Ingiriiska.

Tan ayaa ka dhigan in dadyoowga ingiriiska 23 bisha juun sannadkan codeyn doonaan hadii u waddanku ku jirayo amba ka baxayo EU. Ra´iisal wasaare David Cameron ayaa qanacsanaa ka dib marku shirkan ka soo baxay.                                                                                                                                -Heshiiskan ayaa la siman kii aan rajeeynayay markii aanu bilownay wada hadalkan, ayuu sheegay Cameron.

Wuxuu raaciyay:                                                                                        

-Dadka ingiriiska waa in ay go´aan gaadhan 23 bisha jun sannadkan, hadii aan ka baxayno amba ku jirayno midoowga yurub. Fursadan ayaa jiilkii hal jeer la arkaa.

Heshiiskan ayaa ka dhigan in u ingiriisku mustaqbalka dhimayo dakhliga ajaanibta waddanka shaqo u soo raadsata todobada sanno ee ugu horreeysa, wakhtigan ayaa shaqaale walba ku noqonaya afar sanno.

Cameron ayaa hore ku talliyay in u doonayo in u shuurudaha dadkan ku sii atkeeyo.

Laga bilaabo 1 bisha jannayo sannadka 2020 ayaa shuruudaha lugu atkeeynaya ajaanibta ka shaqeeya ingiriiska ee waddakoodi caruur kaga soo tagay.

Tusaale shakhsi ka shaqeeya ingiriiska, laakin caruurtiisi kaga soo tagay waddanka Poland. Halkii caruurta la siin lahaa kaalmo dhaqaale la siman ka caruuraha ingiriiska ku nool, waxa la siinaya lacag ka yar, laakiin la dhiganta ka caruuraha waddanka Poland la siiyo.

Ta kale ee heshiiskan ku jirta ayaa ah in bangiyadda iyo rugaha maaliyadahu tartan furan u galaan iyada oo aan la qiimeeyn in ay ku jiraan suuqa lacagta ee Euroda.

Ra´iisal wasaaraha Iswiidhan Stefan Löfven ayaa ku faraxsan in heshiiskan la gaadhay.

-Heshiiskan waan ku qanacsanahay. In kasta oo ay Yurub xaalad adag ku jirto, heshiska aanu halkan ka gaadhnay ayaa tusaysa in wadamada EU awood weyn haystaan, ayuu jidhi.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".