Koobka adduunka ee ee xeegada barafka oo uu xulka Seden ku guuleeystay. Sawirle: Fanny Nikula / Svensk bandy
Koobka adduunka ee ee xeegada barafka oo uu xulka Seden ku guuleeystay. Sawirle: Fanny Nikula / Svensk bandy sawir: Sverige tog VM-guld i bandy i natt svensk tid. Foto: Fanny Nikula / Svensk bandy

Xulka qaranka xeegada barafka oo koobkii toddobaad ku guuleeystay

Hablaha Sweden oo qaadey koobkii toddobaad
1:37 min

Kooxda qaranka hablaha Sweden ee ciyaarta xeegada barafka ayaa kaga guuleeystay ciyaartii fiinaalka tartankii adduunka sannadka kooxda dhiggooda ee Ruushka. Iyadoona ay goolka keliya ee ciyaartaasi lagu dhaliyay ay nasiib u yeelatay ciyaartooyadda Hanna Brusberg, mar rigoore loo dhigay.

– Farxad intaa le’eg oo la dareemeyo, sida ay sheegtay Camilla Johansson oo u warrameeysay laanta ciyaaraha ee idaacadd Raadiyaha Sweden.

Kooxad qaranka Sweden ayaa laga saarey saddex ciyaartooy gabagabadii ciyaarta. Hase-yeeshee ay guushii ku racday.

– Xaqiiqdii waxay ahayd ciyaar halgamid ahayd, dhammaan ciyaartooydu dadaal wayn ayey ku bixiyeen, iyadoona uu goolkayagu ahaa sidii aan guusha u soo hoyin lahayn, sida ay sheegtay Camilla Johansson.

Kooxda xulka qaranka Sweden ayaa ku guuleeystay lixdii koob ee ugu horreeyey, hase yeeshee guushii ey ka qaadeen sannadkii toddobaad xulka qaranka Ruushka sannadkii 2014. Balse ay guushii xalay ahayd mid ay kooxdu aad u dhowreeysay sidii ay koobka u soo ceshan lahayd.

Ciyaartooyda xulka qaranka ee xeegada barafka (Bandy) ee ku guuleeysatay xalayto koobka adduunka ayaa ka koobnaa ciyaartay laga soo xuley kooxaha AIK iyo Kareby.

Isha/ Radiosporten

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".