Ingen vet hur många de papperslösa är. Foto: Marc Femenia / TT
Ingen vet hur många de papperslösa är. Foto: Marc Femenia / TT

Shirkaado aan daacad ahin oo ku shaqeeysta dadka waddanka ku dhuumanaya

"Maaha masuuliyadeena in aanu kantaroolno shirkadahan"
1:45 min

Kulamada ka dhaca xafiiska shaqada ayey ka soo qeeyb galan shirkado aaney daacad ka ahin in ay dad shaqaaleeysiyaan.
Shirkadahan ayaa doonaya in ay dadka sharciga loo diiday ee waddanka ku dhuumanaya suuqa madow ku shaqeeystaan.

Xaaladan ayaa ah mid aaney xafiiska shaqada xal u hayn, madama ay shaqadooda ku jirin in ay kanataroolaan shirkadahan.

Sten - Erik Johansson ayaa ka hawlgala ururka xuquuqda shaqaalaha bila sharciga ah.

- Shirkadahan ayaa doonaya in ay dadkan ku shaqeeystaan. Xafiiska shaqada ayey soo galayaan, lama kantaroolo, ayuu sheegay.

Ururka u ka hawlgalo Johansson, Fackligt center för papperslösa, ayaa loogu talo galay in u caawiyo dadka lugu khiiyaaneeyo suuqa shaqada, khaasatan dadka waddanka ku cusub ee bila sharciga ah.

Sten- Erik Johansson ayaa dhaleecayn xoog leh u gudbinaya xafiiska shaqada, khaasatan ka xaafada södermalm ee magaalada stockholm ku yaala. Xafiiskaas ayaa sidu Johansson u sheegay, casuuma shirkadahan markey la shirayaan dadka ay shaqo l´aantu hayso.

Lisen Trollbäck Eldh ayaa hogaamisa xafiska shaqada magaalada stockholm . Wexey qiratay in u arrinkani ka jiro xafiiskeeda, iyo in aaney wax kanatarool ah ku sameeyn shirkadaha ka soo qeeyb gala shirarkan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".