Elisabeth Svantesson. Sawirle: Vilhelm Stokstad / TT
Elisabeth Svantesson. Sawirle: Vilhelm Stokstad / TT

Fikir hor leh oo uu soo jeediyay xisbiga Moderaterna

Sida ay sheegtay idaacadda la iska daawado ee TV4 in xisbiga Moderaterna uu soo jeediyay in ajaaniibta dalka ku cusub lag dhimo dhaqaalaha taageerada ee la siiyo, mar haddii ey ku guul-darreeystaan imtixaanka maaddada hab-dhaqanka bulshada dalka Swede, imtixaankaasina oo uu xisbigu dooneyo in la bilaabo, maaddadaasina oo demooyinka ku casumaan ardeyda barata luuqadda iswiidhishka (SFI) ee dalka ku cusub, middaasina oo ku saabsab hab-dhaqan-dhaqameedka bulshada bulshada reer Sweden.

Fikirka uu soo jeediyay xisbiga Moderaterna ayaa salka ku haya in dadyoowga ku guul-darreeysta imtixaanka noocaasi ah laga dhimo dhaqaalaga loo siiyo nolol-maalmeedka, hase yeeshee aan la sheegin inta ay le’eg tahay dhaqaalaha laga dhimeyo.

Elisabeth Svantesson, ahna af-hayeenka xisbiga M ee siyaasadda is-dhex-galka ayaa sheegtay mar ay u warrameeysay hayadda wararka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo TT in saddex daloolow mid ey maaddadaa ka qayb qaataan kadib 18 bilood oo ey dalka ku sugnaayeen. Middaasina oo ay macnaheedu tahay, sida ay sheegtay Santesson in aaney qaar badan oo ka mid ah ajaaniibta dalka ku cusubi aanay gaarin war-bixinta la xiriirta xuquuqda ey leeyihiin iyo waajibaadka saaran si ey qayb uga noqdaan bulshada Sweden.

Qorshahan ayaannu xisbigu kala doodin dawladda iyo xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka midna.

Isha/ TT

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".