Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan iyo Seerbiya oo heshiis wada galay

La daabacay tisdag 23 februari 2016 kl 10.20
Ygeman "Waa in la joojiyo ganacsigan"
(2:01 min)
Inrikesminister Anders Ygeman till vänster och en handgranat till höger.
Många handgranater kommer till Sverige från forna Jugoslavien. sawir: Tommy Tengborg / TT Darko Vojinic / TT

Iswiidhan ayaa heshiis ku saabsan si loo joojin lahaa soo dejinta bamka gacanta iyo hubka, la gashay waddanka Serbia.

Sababta ayaa ah in ay waddamadu doonayaan in laga hor tago ganacsigan oo ka dambeeyay dhowr dhacdooyin xagaagi ina soo dhaafay. Heshiiskan ayaa la dhabeeyn kara xagaaga soo socda.

Wasiirka arrimaha gudaha Iswiidhan Anders Ygeman ayaa rajeeynaya in u heshiiskani wadashaqeeynta boolisyada labada waddan ka dhigo mid isku xidhan.

-In kasta oo u booliska Iswiidhan iminka la shaqeeyo ka Serbia, heshiiskan ayaa kordhinaya xidhiidhka ka dhaxeeya labada waddan. Tusaalahan hadii ay Iswiidhan u baahan tahay warbixin ku saabsan qof ay ka shakiyeen, hor ayey Serbia naga siinaysa maclumaadkas, ayuu sheegay Ygeman oo hada ku sugan waddanka Serbia.

Anders Ygeman ayaa rajeenyanaya in ay Iswiidhan heshiish nocan oo kale la gasho waddanka Boosnia.

Sababta ayaa ah bamka gacanta iyo hubka tuugada waddanka lugu soo geliyo, kana yimaada labadan waddan, khaasatan bamka gacanta oo xagaagi ina soo dhaafay ku soo kordhay magaaloyiinka malmö, göteborg, uppsala, kalmar iyo stockholm.

In ay labadan waddan warbixinada kala bedeshaan iyo in boolis Iswiidhish ah Serbia lugu meeleeyo ayaa ka mid ah waxyaabaha ku jira heshiiskan ee gu´ga soo socda laga wada hadli doono.

-Waa arrin khatar ah, qaar ka mid ah dadkii dembigan galay xabsiga ayey ku jiraan, qaar na maxkamad ayaa ku socota. Hasayeeshe waa in aanu xal u helno sii aanu u joojin laheeyn ganacsigan, waxaan rajeenaya in u heshiiskani isbedel keeno, ayuu jidhi Ygeman.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".