Foto: Polisen.
Foto: Polisen.

38 jirki gabadha ku qafilay makhsinka oo maanta la xukumay

Xabsi toban sanno ah ayaa lugu xukumay dakhtarkii 38 jirka ahaa ee intuu gabadh madooriye siiyay seexiyay. Ninkan ayaa dabeetana gabadhan ku meeleyay makhsin sabbad ah muddo gabadhaysa lix casho.

Maxkamada stockholm ayaa xukunkan cinwaan uga dhigtay människorov oo ah afduubid iyo kufsi adag. Islamarkaas ayaa ninkan lugu xukumay in u bixiyo lacag ganaax ah oo gaadhaysa 180 000 oo koroon.

Maxkamada ayaa u jeeda in u ninkani ogaan gabadhan u afduubay, uguna talo galay in ay makhsinkan ku xidhnaato wakhti ka dheer intay ku jirtay.

Gabadhan ayaa boolisku ogaaday ka dib markey makhsinkan ku jirtay lix casho. Sababta ayaa ah in ay ninkan u raacday booliska, dabeetana ay halkaas ka ashkateeysay isaga oo aan ogayn.

Ninkan ayaa dafirsan dembiga u galay.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista