Flyktingboende för ensamkommande barn.
sawir: Jessica Gow/TT

Caruur magangelyadoon ah oo lara dejiyay reer hore loo xukumay

"Hadii aan caruurahan guryo u helno ayaan nasib badanahay"
1:19 min

Degmada Lessebo ayaa dayrtii ina soo dhaaftay caruur magangelyo ku timid la dejisay laba qof oo hore lugu xukumay in ay caruurtooda jidh dil u geysteen.

Shirkada Hoppetgruppen ayaa meelayntan ka dambeeysay, una jeeda in reerkan hore loo xukumin, gurigoodu na yahay nabad.

Arrinkan ayey degmada Lessebo ogaadeen ka dib markey baadheen liiska booliska dabeetana ku arkeen labada qof ee caruurtan qaabishay.

Alexander Ramsing ayaa ah madaxda qeeybta caruuraha kelinimada ku timaada ee degmada Lessebo. Wuxuu sheegay in ay degmada ku adaktahay in ay baadhaan guryaha ay caruurtan ku meeleeyaan, sababta ayaa ah in ay caruurtani tiradii ka faro bateen.

-Hadii aanu guryo u helno caruurahan ayaan nasiib badanahay. In aanu la hadalno amba booqano reeraha caruurtan qaabila ayaa ah inta aanu hadda awoodi karno, ayuu jidhi.

L´aanta ekot ayaa dhowr jeer isku dayday in ay la hadlaan hogaamiyaha shirkada Hoppergruppen.

Hasayeeshe ayey shirkadani e- mail u soo dirtay Ekot, halkey ku qorantahay in ay degmada Lessebo la socotay in baadhitaan lugu sameeyn reerka caruurtan qaabishay.

Dhanka kale Lessebo ayaan fikirkan la qeeybsaneyn shirkadan. Ekot aya ka qeeyb qaadatay warbixinta ay shirkadani u soo dirtay degmadan. Halkaas ayey ku qorantahay in reerkan hore loo xukumin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".