Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson. Sawirle Jonas Ekströmer/TT.
Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson. Sawirle Jonas Ekströmer/TT. sawir: Jonas Ekströmer/TT

SD: Muddo in la joojiyo bixinta dhalashada Sweden

Fikirka SD ee qaadashada dhalashada Sweden
3:17 min

Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna (SD) Jimmie Åkesson ayaa sheegay inuu xisbigiisu doonayo in in muddo ah la joojiyo bixinta waraaqaha dhalashada ee dalkan Sweden, qaasatan dadyoowga aan dalka ku dhalan. 

Shir jaraa’id oo uu Jimmie Åkesson maanta qabtay ayuu ku sheegay in loo baahan yahay baaritaan ballaaran oo lagu sameeyo habka qaadashada waddani-nimo ee dalka:
- Waxaannu dooneeynaa inaannu qiimeeyn ku sameeyno qaadashada dhalashada dalka. Iyo inay yeelato qiimey ka ballaaran midka ay maanta leedahay. Sidaa daraadeed ayeynaan u dooneeyn in dhalasho hor leh loo bixiyo illaa iyo inta baaritaan ballaaran looga sameeyneyo macnaha bixinta dhalashada dalka Sweden.

Jimmie Åkesson ayaa aamin-san in habka bixinta dhalashada dalku tahay mid fudud, isla-markaana wakhti gaaban lagu qaato iyo weliba shuruudaha la isku xiro: 
- Shakhsigu waa inuu luuqadda yaqaanno, iyo weliba inuu fahmo bulshada. Waa inuu fahmo dhaqanka bulshada, kolka laga hadleyo mid bulshadeed iyo xiriirkeeda hab-dhaqan iyo wixii la mid ah. Waa inuu shakhsigu ku dadaalo sidii uu bulshada qayb uga noqon lahaa. Markaa ayuu noqon karaa muwaadin.

Sida uu qabo Åkesson waa waajib inuu farqi u dhexeeyo isticmaalka suurtagallada hab-nolol-wanaagga bulshada ee muwaadinka iyo ruuxa aan muwaadinka ahayn. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa iminka ku howlan farqiga uu dooneyo inuu u dhexeeyo:
- Kolka laga hadleyo ugu yaraan qeybo ka mid ah hab-suurtagallada hab-nolol-wanaagga bulshada - välfärden, annagoona iminka eegeyna kaalmooyinka dhaqaale. Halka aannu caga dhiganno waxaannu ku soo ban-dhigi doonnaa miisaaniyadda foodda innagu soo haysa ee gu’ga, sida uu sheegay Jimmie Åkesson, mar uu u warramayay laanta wararka ee Ekot.

Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S) ayaa sheegay mar uu ka faallooday fikirka xisbiga SD in aannu ahayn fikir wanaag-san, isagoo hadalkiisii sii watana raaciyay in ”midda iminka ugu muhiim-san ay tahay in dadyoowga iminka deggenaanshaha dalka ku heeysta sida ugu dhakhsiyaha badan ay qeyb uga noqon lahaayeen bulshada, mana garan karo sida ey dhakhso ugula qab-san lahaayeen haddii dhalashada dalkan loo diido”, sida uu sheegay Stefan Löfven.

Isha/ Ekot

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".