Magaalada Mosul ee dalka Ciraaq oo gabadha lagu haystay.
Magaalada Mosul ee dalka Ciraaq oo gabadha lagu haystay. sawir: Maya Alleruzzo / AP / TT.

Gabar 15 jir ah oo laga soo furtay koox ciraaq ku haysatay

Muwaadinad iswiidhish ah oo aam qaan-gaar ahayn in muddo ahna lagu heeystay dalka Ciraaq ayay ku guuleeysteen iney ka soo furtaan ciidammada qowmiyadda kurdida ee dalkaasi.

Sida lagu caddeeyay warar ay heshay laanta wararka ee Ekot in markii hore laga soo furtay gabadhaasi Daacish bishii oktoobar ee sannadkii ina dhaafay, iyadoona wixii intaa ka dambeeyay ay gacanta ku hayeen koox kurdi ah, hase yeeshee ey iminka ka soo furteen ciidammada dawladda ee kurdida meel aan ka fogeeyn magaalada Mousul oo ey ka taliso Daacish. 

Intaa waxaa dheer in aannu weli kala caddeeyn wararka la xiriira wixii intaa ka dambeeyay. Halka ay ciidammada nabad-sugidda kurdidu sheegeen in ciidammada dawladda ee kurdidu soo furteen gabar 17-kii bishan feeberaayo, kuna beegan toddobaadkii ina dhaafay, sida ay qortay hayadda wararka ee Reuters.

Wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden ayaa ka gaabsatay inay ammuurtaa ka faalooto, sida ay qortay hayadda wararka Sweden TT.

 

Isha/ TT

                                                           kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".