Amnesty International, prostitution
Foto: TT

Amnesty International oo Iswiidhan ku dhaleecaysay in ay soomaalida masaafuriso

Heeyadaha waddamada caalamka oo shaqadooda ka soo bixin
1:45 min

L´aanta xuquuqda aadanaha Amnesty International ayaa dhaleecayn xoog leh u gudbinaysa Iswiidhan markey ay maanta ay soo bandhigeen warbixintii sanadlaha 2015 ee ku saabsana xuquuqaha binaadinka.

Ururkan ayaa islamarkaas dhaleecayay Iswiidhan oo weli soomaalida waddankooda u masaafurisa.

Anna Lindenfors ayaa ah xoog hayaha guud qeeybta Iswiidhishka ee Amesty International. Wexey dhaleecayn u gudbinaysa heeyadaha waddamada caalamka oo an ka soo bixin shaqaada in ay difaacaan xuquuqda binaadinka,

Tusaale markey waddanka konfuur afrika ay sii daysay ra´iisal wasaaraha soodaan Omar al-Bashir  xaqaagi hore, in kasta oo ay maxkamada caalamiga ah ee dembiyada ee loo soo gaabiyo ICC raadinaysay.

Wexeey sheegtay in u nidaamka caalamiga xuquuqda binaadinka uun difaacin, xilkan ayaa isaguna saaran heeyadaha waddamada. 

Anna Lindenfors ayaa u jeeda in ay qaramada midoobay ku guuldareeysatay in ay wax ka qabtaan Suurida maalin walba xad gudubka loo geeysto. 

-Inta ay waddamada qaramada midoobay wadashaqeeyn lahayeen, waddan kasta ayaa gooni u shaqeeya, ayey sheegtay Anna Lindenfors xoog hayaha guud qeeybta Iswiidhishka ee Amnesty International.


Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".