Foto: Bertil Ericson / TT
Foto: Bertil Ericson / TT.

Mushaarka ugu hooseeya oo hoos loo sii dhigo shaqo ma u abuureysaa dadka Sweden ku cusub?

7:17 min

Waxaa jira talo dood badan dhalisay oo ah in haddii soogalootiga dalka ku cusub mushaaraadkooda hoos looga sii dhigo heerka mushaar ee ugu hooseeya ay markas shaqo heli karaan qaar badan oo ka mid ah dadyowgan waddanka ku cusub.

Fikirka noocaas ah dadka gadaal ka riixaya waxaa ka mid ah Lars Calmfors oo ah caalim dhaqaalaha ku taqsusay ahna guddoomiyaha ururka Arbetsmarknadsekonomiska Rådet, AER oo ah urur ukuur-gala siyaasadda suuqada shaqada iyo mushaaradka.

Sweden ma jiro sharci go’aaminaya heer ay tahay in uu ahaado mushaarka ugu hooseeya ee la yiraahdo minimilön, balse waxaa go’aamiya heshiiska wado jirka ah ee la yiraahfo Kollektivavtal, una dhaxeeya qaybaha kaloduwan ee suuqa shaqada oo kalo ah ururada matala iskaashatada iyo shaqobaxiyaasha. Markastana waxay ku xiran tahay da’da shaqo qaataha iyo waayo aragnimadiisa xirfadeed.

Hoos loo dhigo boqolkii 25 

Lars Calmfors ayaa aaminsan haddii laga dhimo boqolkii 25 heerka mushaar ugu hooseysa ee la siiyo tusaale qofka ka tirsan ururka iskaashatada goobaha ganacsi ay markas u abuureyso shaqooyin dodyowga aqoontooda hooseyso aan laheyn waayo arganimo xirfadeed.

Laakiin dadyowgan ayey maanta aad raqiis u tahay in shirkadahu shaqaaleeyaan maadaame ay jiraan taakulooyin dhaqaale iyo canshuur dhis ay dowladda ku saaciddo. Tusaale qofka waqti dheer shaqo la’aan ahaa haddii shirkad shaqaaleysa, mushaarkiisa boqolkii 80-90 waxaa baxiya dowladda.

Lars Calmfors ayaa la weydiiyey, mar haddii ay jiraan fursadahan oo ay maanta raqiis tahay shaqaaleynta dadyowgan, sabab u doonaysaa in aad dhinto mushaarkooda?

Laakiin Maxamed Abshir Sabriye oo Sweden ku sugan shan sanno iyo bar ayaa gebi ahaanba ka soo horjeeda firkirka noocaan ah, isagoo ku tilmaamay firkir cunsuriyeyn iyo takoorid ah.


Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista