Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawlada oo diidsan shuruuda Vänsterpartiet

La daabacay torsdag 25 februari 2016 kl 10.02
Isha: "Dawladdu dib ugama laaban karto heshiiskii ay la galeen alliansen"
(3:01 min)
Ulla Andersson ger inget svar på frågan om hon och de övriga förhandlarna har några ultimativa krav med sig till förhandlingsbordet.
Ulla Andersson ger inget svar på frågan om hon och de övriga förhandlarna har några ultimativa krav med sig till förhandlingsbordet. sawir: TT / Gabriel Flores Jair, Pressbild

Dawlada ayaa diidsan in ay xisbiga vänsterpartiet kula raacdo in la joojiyo cashuur dhimista adeega guryaha ee loo yaqaano rutavdrag. Warbixintaas ayaa soo gaadhay l´aanta ekot.

Vänsterpartiet ayaa ku tallinaysa in ay diido hindisaha dawladda marka ay iminka ka wadaxajoonayaan misaaniyada ay dawladdu soo bandhigi doonto bisha april sannadkan.

Hadii ay dawladdu tageero ka hesho barlamanka, laga bilaabo koowda bisha agost sannadkan ayaa canshuurta laga dhimaya shirkadaha bixiya mucaawinnada guurida, qalabka warbixinta loo adeegsado iyo kuwa beerta nasashada bixiya.

Hinidisahan ayey xisbiyadda mucaaradka, alliansen, dawladda kula raacsanyihiin, madama ay u jeedan in canshuur dhimistani ka shaqaaleysiinayso dadka waddanka ku cusub.

Jonas Sjöstedt oo ah hogaamiyaha vänsterpartiet ayaa mar u wareeysii la qaatay telefishinka la iska daawado ee SVT sheegay in u ka soo hor jeedo canshuur dhimistan.

-Siyaasadani maaha mid aanu xisbiyadan kula raacsanahay, ayuu sheegay.

Wasiirada maaliyada Magdalena Andersson ayaan doonayn in ay ka jawaabto arrinkan, madamu wada hadalkani weli socdo.

Qof aan doonayn in magaciisa la sheego, hasayeeshe indhaha ku haya wada hadalkan ayaa l´aanta ekot u sheegay in ay dawladdu ku talo jirto in ay dhabeeyso hindisahan, dib na uga noqon karin heshiis ay la galeen xisbiyada mucaaradka ee alliansen, madama ay saameyn karto heshiiskii weeyna ee siyaasada socdaalka.

Johan Forssel ayaa ah afhayeenka socdaalka ee xisbiga moderaterna.

- lix xisbi ayaa heshiiskan wada galay, vänsterpartiet iyaga doortay in ay dibada ka staagaan. Waxaanan huba in u ra´iisal wasaare Stefan Löfven taageerayo heshiskan la galnay, ayuu sheegay.

Erik Ullenhag oo ah afhayeenka socdaalka ee xisbiga liberaalka ayaa fikirkan la qeeybsanaya Johan Forssel.

- Waxaan hubaa in ay dawladdu ka bixin heshiiskan la galnay, kan ayaa u suurtagelinaysaa dadka waddanka ku cusub in ay suuqa shaqada soo galaan, ayuu jidhi.

Dhanka kale ayey vänsterpartiet ku tallinaysa in la joojiyo canshuur dhimistan, lacagta halkaas ka soo hadha na lugu maalgeliyo kaalmada caruurta, lana kordhiyo lacagtan, 180 koroon dheerad ah bil kasta.

Sido kale in lacag gaadhaysa 10 milyan oo koroon la siiyo maamulada gobolada caafimaadka si ay uga shaqaaleysiiyaan dad ka shaqeeya xanaanada hawlgabka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".