Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Markii ugu horeysey oo haweenka madaxda ahi ka mushaar bataan ragga dhigooda

La daabacay torsdag 25 februari 2016 kl 10.16
Karin Wanngård är finansborgarråd i Stockholm. Foto: Isabelle Swahn/Sveriges Radio.
Karin Wanngård (S), oo ah guddomiyaha golaha degmada Stockholm ayaa bishii qaatada 125 000 kr. Waana haweeneyda siyaasiyada ah heer degmo ee ugu mushaarka badan dalka Sweden, sida lagu ogaadey ukuur-galka wargeyska Dagens Samhälle. Foto: sabelle Swahn/Sveriges Radio.

Markii ugu horeysey ayaa haweenka madaxda ka ah dowladda hoose ee degmooyinka ka mushaar bateen ragga dhigooda ah.

Sidaas waxaa muuijnaya u kuurgal uu sameeyey wargeyska Dagens samhälle.

Haweenka madaxda ka ah degmooyinka waxay ahaan karaan guddoomiyasha golaha degmada iyo madaxa maamulka degmada.

Karin Wanngård oo xubin ka ah Socialdemokraten ahna guddoomiyaha golaha degmada Stockholm ayaa ah siyaasiyad heer degmo ee ugu mushaarka badan dalka Sweden. Wanngård ayaa muhsaarkeedu yahay bil kasta 125 000 kr.

Maantana mushaarka iyo gunnooyinka ay qaataan dumarka madaxd ka ah demooyinka ayaa ka badan oo ka tagay ragga dhigooda ah waddanka oo idil.

Waana markii ugu horeysey oo ay dumarka siyaasiinta ah ka mushaar bataan ragga, sida lagu muuijyey u kuurgalka cusub ee wargeyska Dagens Samhälle.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".