Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Sweden oo qaxooti u masaafurineeysa dalka Hungeriya

La daabacay torsdag 25 februari 2016 kl 13.36
Helsingforskommettén: waa ku qalad Sweden
(5:16 min)
Julia Ivan, jurist på ungerska Helsingforskommitten. Foto: Johanna Melén/Sveriges Radio.
Julia Ivan, xeeryaqaanad ka tirsan ururka xaquuqul insaanka Helsingforskommitten laantiisa Hungeri oo Sweden ku dhaleeceysay dib ugu masaafurinta qaxootiga dalka Hungeri. Foto: Johanna Melén/Sveriges Radio.

Inkastoo canbaareyn caalami ah loo jeediyo dalka Hungeriya sida uu ula dhaqmo qaxootiga, hadana Sweden ayaa si joogta ah dib ugu celisa qaxootiga magangelyo doonka ah waddankii ugu horreeyay ee waddammada EU ee shakhsigu ka soo galay, sida uu dhigayo xeerka Dublin.

Dadka dib loogu tarxiilo Hungeriya badanaa waxaa sugaysa xero qaxooti oo xabsi u dhiganta, iyadoo ay yartahay fursada ay deganaasho kaga heli karaan waddankaas.

Laanta Ekot ayaa la kulantay qoys Suuriyaan ah oo saddex carruur ah leh kuwaas oo Sweden ka dalbaday magangelyo balse hadda la go’aamiyey in dib loogu tarxiilo dalka Hungeriya.

– Waxay la mid ahay in aad sugeysid qofkii ku dili lahaa, laakiin aadan ogeyn goorta lagu dili doono, ayuu yiri Samir, oo magaciisa dhabta ah si kale yahay.

Waxuu ka yimid magaalo madaxda dalka Suuriya Dimishiq haddana asaga iyo ooridiisa iyo saddex carruur ah ayaa ku sugan xero qaxooti dalka Sweden.

Qooyskan ayaa bishii juun ee sannadkii hore ayey dooni ka so raaceen dalka Turkiga kuna yimaadeen waddanka Giriigga. Waxuu ahaa qaybtii ugu sahlaneyd socdaalkeena, ayuu yiri Samir, laakiin midda ugu darneyd waxay aheyd markey todobaad ka dib soo gaareen dalka Hungeriya.

- Si xun ayaa naloo la dhaqmay markaan nimid Hungeriya. Qaxootigii kale ee aan isku meesha ku jirnay garaacis ayaa loo geystay, qasab ayeyna faraha nooga qaadeen ayuu yiri Samir.

Hadda hey’adda socdalka Sweden Migrationsverket ayaa go’aan ku gaartay in ay samir iyo qoyskiisa dib ugu masaafuriso dalka Hungeri, sida uu dhigayo xeerka EU ee dublin, kaas oo dhigaya waddanka ugu horeeya ee qoofka ka soo galo EU in lagu tijaabiyo dalabkiisa magangeliyo doon. Inkastoo wadanka Grekland ka reeban yahay xeerkan. Samir iyo qoyskiisa racfaan ayey ka qaadeen go’aanka masaafurinta, lakiin maxkamada socdaalka ayaa sidoo kale ago’aamisay in dib loo masaafuiryo qoyskan.

Laga soo billaabo sannadkii hore illaa iyo shalayto tiro gaaraysa 1 387 oo ah go’aano dib ugu masaafurin dalkaHungeri ayey Sweden gaartay. Iyadoo 4 000 kiis ay Sweden weydiisatay dalka Hungeri in ay dib ugu masaafuriso, inkastoo inta badan ay Hungeri iska diiday. Boliskana waxay gacanta ku hayaan 431 kiis oo ah dib loogu maasufirin dalka Hungeri. Balse qaar badan dadka la go’aamiyo in dib loogu masaafuriyo Hungeri ayaa dhuunta baqdin ay ka qabaan in dib loogu celiyo dalkas.

Julia Ivan, waxaa xeeryaqaan ka tirsan ururka xaquuqul insaanka u doode ee Helsingforskommittén laantiisa magaalo madaxda dalka Hungeri ee Budapest. Waxayna aaminsan tahay in Sweden ay qalad ku tahay magangeliyo doonka in ay dib ugu masaafuriso dalka Hungeri.

– Dadkan qaxootiga ah oo ah dad dhibaato badan la soo kulay, waxay qatar ugu jiraan dhibaato kale oo dheeraad ah waayo halkan dadka qaxootiga ah meel ayaa lagu xiraa. Waxaana aragnay dad badan oo xaq u leh magangeliyo balse aan la siinin, ayey tiri.

 Waddanka Hungeri qofka magangeliyo doonka ah ayaa xabsi lagu heyn karaa waqti ka badan lix bilood. Halka qoyska carrur leyda ah lagu hayo xeriyo furan.

Inta badana ayey tiri Julia Ivan, hey’adaha dowliga ah ee Hungeri ma baaraan baahida qofka ee magangeliyo, maadaame Hungeri aaminsan tahay dalka Serbiya in uu yahay dal amni ah oo magangeliyo laga dalban karo. Inta badan magangeliyo doonka Hungeri ka soo gala xad Serbiya dib ayaa loo masaafuriyaa, balse dhibaatadu waxay tahay, ayey tiri Julian Ivan, Serbiya qofna ma qaabisho.

Waddanka Hungeri waxaa dhaleeceyn qadag dush kaga riday golaha EU u qaabislan xaquuqul insaanka sida waddankan ula dhaqmo dadka magangeliyo doonka ah.

Tusaale dayrtii hore ayaa lagu dhaleeceeyey Hungeri sharci cusub oo fal denbi ka dhigaya in dalkan laga soo galo meel aan aheyn xaduudaha loogu talo galay in laga galo. Illaa iyo haddana dad kor u dhaafaya kun ruux ayaa denbi noocaas ah lagu xukumay, oo cinqaab looga dhigay dal ka masaafurin.

Maxkamadaha socdalka dalalka kalo ah Dnamark iyo Holland ayaa go’aamiyey in aan qaxootiga dib loogu masaafurin waddankan Hungeri. Lakiin Fredrik Beijer oo dhanka sharciyada u qaabilsan hey’adda socdaalka ayaa difaacay tillaabada Sweden qaxootiga dib ugu masaafuriso waddankas.

– Hadda maxkamada Yurub e xaquuqul insaanka ayaa baareysa in dib ugu masaafurinta Hungeri ay waafaqsan tahay xaquuqul insaanka. Haddii maxkmada go’aamiso in aysan waafaqsaneyn markas Sweden waa ku waajib in ay raacdo go’aanka maxkamada, ayuu yeri Fredrik Beijer.

Samir oo ah magangeliyo doon ka soo jeeda dalka Suuriya ayaa sugaya dib loogu masaafuriyo dalka Hungeri balse sheegay in uusan naftiisa u cabsaneynin laakiin u baqayo caruurtiisa.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".