Radio weden
Radio Sweden

Löfven iyo Xassan Shiik Mxamuud oo kulmi doona

Xassan sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkan booqasho rasmi ah ku imaanaya dalka Sweden.

Arbacada foodda innagu soo haysa bisha maarso-na tahay 2-da ayuu madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven wuxuu magaalada Stockholm ku qaabili doonaa madax-waynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Labada hoggaamiye waxey ka wada xaajoon doonaan taageerada uu daalkan Sweden ka geeysto hannaanka geedi-socodka nabadda Soomaaliya iyo taageerada uu dalkani ka geey-san karo dib u dhiska hor-u-marineed ee Soomaaliya. Muddada uu Xassan Shiikh Maxamuud booqashada ku joogo dalka Sweden ayuu sidoo kale la kulmi doonaa wasiirka guriyeeynta iyo teknoloojiyada Mehmet Kaplan, agaasimaha guud ee hayadda kaalmada caalamiga Sweden (SIDA) Charlotte Petri Gornitzka iyo sidoo kale wasiiradda kaalmada caalamiga Isabella Lövin.

Isha/ Pressmeddelande från Statsrådsberedningen

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista