Pontus Gunnarsson. Sawirle: Kristian Åkergren/Sveriges Radio
Pontus Gunnarsson. Sawirle: Kristian Åkergren/Sveriges Radio

Gunno maalmeedka la siiyo qaxootiga oo hooseeysa

3:10 min

Wadaadka lagu magacaabo Pontus Gunnarsson ayaa go'aansaday inuu isku dayo siduu ugu noolaan lahaa dhaqaale gaarsii-san 61 koron maalintii oo u dhiganta dhaqaalaha la siiyo qaxootiga dalka ku cusub ee jawaabta ka sugaya dalabkoodii illaa iyo inta laga gaareyo ciiddul-fusxa afkan iswiidhishkana lagu yiraahdo ciidda Påsk-iga.

- Xaqiiqdii aniga waygu dag tahay maadaama aanan u baran. Guud ahaan way adag tahay sidii la isugu fileeysiin lahaa, maadaama aaney waxa laga hadlayaa aheyn cunno keliya. Dhaqaalaha taageerada ee 61-ka koron maalintii  waa iney ku fillaadaan dhar, kabo, daawo, dar-yeelka caafimaad, midka ilkaha, waxyaabaha kale ee loo baahan yahay iyo sidoo kale xilliyada fasaxa iyo tamaashaadka. Waxyaabahaa oo dhan marka la isku geeyana waa kuwo u baahan dhaqaale intaa ka badan.

Halkii uu ka soomi lahaa 40-ka maalmood ee ka horreeya ciidda Påsk-iga, sida ay caadiyan sameeyaan dadyoowga haysta diinta masiixiga ayuu baadariga Pontus Gunnarsson go'aansaday inuu ku noolaado 61 koron maalintiiba, una dhigma dhaqaalaha la siiyo maalintii shakhsiyaadka qaan-gaarey ee magan-gelyo doonka ah ee loogu talo galay iney isku filleeysiiyaan.

Tallaabadan ayaa ka dambeeysay kolkii uu baadariga Pontus Gunnarsson kaniisadda kula kulmay haweeney u sheegtay in dhaqaalaha taageerada ee la siiyo qaxootiga aaney waxba iska bedelin wixii ka dambeeyay sannadkii 1994, halka dhanka kale uu mushaarku laba jibbaarmay.

Pontus Gunnarsson ayaa rajeeynaya in tallaabadan uu qaaday ey u muujin karto bulshada Sweden kadeedka ey ku jiraan qaxootigu iyo taageerada dhaqaale ee la siiyo sida ay u hooseeyso iyo sidii uu u beenin lahaa dadyoowga ku andacooda in ajaaniibtu kolka ey dalkan yimaadaan ku nool yihiin nolol raaxo leh: 

- Dad badan oo ku andacooda warar xaqiiqda ka fog iyo inaan la qaabilin qaxooti haba yaraatee  waxaan u sheegi karaa in talaabada aan qaaday ay ka macne tahay sidii aan xaqiiqda dhabta ah u soo ban-dhigi lahaa. Waxaa jira xoogag badan ee doonaya sidii ey warar aan dhab ahayn u faafiyaan, kuwaasina oo ey ula jeedaan sidii kor loogu qaadi lahaa naceeybka qaxootiga loo qabo.

Isha/ Radio Sweden

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista